“Waxaan Soo Bandhigi Doonaa Maqaal Aan Sal, Gun iyo Baar Uga Dhigay Waxa Aan Ugu Yeedhay Insha Allahu, tacliiminta Micheal Keating. Kaasoo Jawaab U Ah Warbixintiisa”- W/Q: Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud
Michael Keating, waa ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya. Warbixintii ugu danbeysay ee uu ka hor akhriyo Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay waxa uu si u la kac ah hoos ugu dhigay dedaalka iyo tacabka Somaliland – waxana uu ku buunbuuniyey Soomaaliya isaga oo u daneynaya mashruuciisa gaarka ah ee UNSOM. Insha Allahu, waxa aan soo bandhigi doonaa maqaal dheer oo aan dhammaystiray oo jawaab iyo tacliimin u ah warbixintii Michael Keating. Maqaalka waxa aan sal gun iyo baar ah u ga dhigi doonaa waxa aan ugu yeedhay tacliiminta Micheal Keating. Waxana aan si weyn ugu faaqidi doonaa waxa ay tahay siyaasadda dibedda ee Somaliland, waxa ay damacsan tahay iyo sida ay Somaliland u rabto in ay jaarkeeda iyo adduunyada kale ee ballaadhan u noolaato mustaqbalka soo socda.
Baryahan danbe, dadka reer Somaliland waxa aad mooddaa in ay iyagu isku maqan yihiin, waxa meesha ka baxay wixii la wada lahaa ee la gu caano iyo nabad maalay oo ah Somaliland. Fadlan sharafkeenna dib aynnu u soo ceshanno, cadowga si midaysan aynnu isaga dhicinno oo aan ka warhaynno dibindaabyada iyo dhagaraha la inna la maagan yahay ee ka soo fulaya hay’aadka, dawladaha iyo ashkhaasta aan inna jeclayn ee rabta baaba’eenna.
Qoraalka waxa aan maanta u diray aniga oo shakhsi muwaadin ah ku xusan cinwaannada furan ee xafiiska UNSOM, Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka. Insha Allahu maalinta Berri ah waxa aan ku baahin doonaa mareegaha Somaliland qaar ka mid ah, boggayga Facebook, Twitter, Academia, iyo boggaga kale ee aan wax ku qoro. Qoraalku waxa uu si weyn u ga hadli doonaa siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland inteeda daaha furan. Fadlan ka qayb qaado sii faafinta qoraalka maalinta berri haddii Alle ka raalli noqdo. Mahadsanidin.
Mohamed Hagi Mohamoudiy