Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo ka hadlay hawlgallo ay ku baadheen hay’ado kamid ah dawladda
“Runtii Iyadoo Wakhtigu Nagu Gaabnaa Oo Doorashooyin Iyo Kala Guur Lagu Jiray, Ayaanu Meelo Badan Ka Bilawnay Baadhitaano… waddadii hore waannu ka baydhnay Oo waxaannu ku shaqaynaynaa ….”…”
Hargeysa – (Hubaal) – Sagaalka December waa maalinta ay qaramada midoobe u astaysay maalinta ka hor taga musuqmaasuqa adduunka, guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa oo waraysi khaas ah siinayey BULSHO TV ayaa ka marammay heerka musuqmaasuq ee Somaliland marayo iyo hawlaha shaqo ee ay qabato hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Hargeysa (Hubaal) – Komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland ayaa sheegay in ay madaxweynaha cusub u soo gudbin doonaan liiska wasaarado ay baadhitaan ku sameeyeen oo uu sheegay in wax is dabamarini ka jirto. Guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa Axmed Maxamuud Jaamac waxaa uu sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen qaar ka mid ah wasaaraddaha dalka iyo dawladdaha hoose, waxaannu sheegay inay jiraan hay’addo ku kacay musuqmaasuq, “Maanta [shalay] waa 9kii bisha December oo u qoondaysan qaramada midoobe maalinta la dagaallanka musuqmaasuqa, muddo gaaban baan annigu xilka hayey oon guddoomiye ka ahaa muddadaas shan qof oo komishaneer ah baannu nahay, runtii jihadii todobadaas sanno uu ku shaqeynayey komishanku markii aanu daraasad ku samaynay waxay ahayd meel aan wax badani oolin, wax badan aan la qaban, baadhitaano aan la samaynin, runtii iyadoo wakhtigu nagu gaabnaa oo doorashooyin lagu jiro iyo kala guur, meelo ayaanu ka wajahnay ee aannu ka bilawnay waxay noqotay bal horta innaanu daraasad ku samayno oo wax nooga soo baxaan, innaanu baadhitaano ku samayno wasaaraddaha qaranka”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Maxamuud Jaamac oo telefishanka Bulsho shalay xafiiskiisa xogwaran ku siiyey xafiiskiisa, waxaanu intaas ku daray “Waxaannu ku bilawnay toban wasaaradood, shan degmo gobol baannu tagnay, dawladdaha hoose baannu soo eegnay, meelaha miisaaniyadda ururiya ayaannu soo eegnay, dabadeed waxaas oo dhan daraasadii macluumaad baa nooga soo baxay, macluumaadkaas nooga soo baxayna meelo badan oo wax toosin u baahan oo wax ka qabasho u baahan wey jireen, laakiin halkan saxaafadda ka gudbin mayo oo annagu madaxweynaha qaranka ayaannu u gudbinaynaa sida uu xeerkayagu sheegayo, madaxweynaha cusub ee la doortayna waannu la share-garaynaynaa inshaa allaahuna.”
Guddoomiye Axmed Maxamuud Jaamac waxa uu sheegay iney komishan ahaan ay rajaynayaan sidii ay dawladda cusub ulla jaan qaadi lahaayeen waxaannu yidhi: “Sannadka cusub wax badan oo aannu rajaynayno innaanu is badal ku samayno ayaannu samayndoonaa, oo aannu dawladdaa cusub aannu la jaan qaadno oonnu dardar galino wixii hay’addani ay qarankan u astaysnayd, marka la eego todoba iyo labaatan wasaaradood ba jiray, tobon kamid ah baannu baadhnay, xaqiiqo dhab ah baa nooga soo baxday oo wixii yaalay ah oo todoba iyo labaatankaa sannadood ee qarankan hay’ad baadhay jirin oo ribood saxa oo ku salaysan wasaaraddaa amma hay’addaa hore looma helin, markaa waddo ka duwan waddadii hore ee ahaa halkaas ba u nugul annagu waannu ka baydhnay oo kuma shaqaynayno, waxaannu ku shaqaynaynaa waxa xaqiiqadda ku salaysan”. Guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaallanka musuqmaasuqu ma uu sheegin wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa bannan ee baadhista lagu sameeyey iyo inta uu leeg yahay musuqmaasuqa ay ku kaceen mas’uuliyiinta ka shaqaysa wasaaradahaas musuqa lagu helay.