12 Qof Ayaa Ku Geeriyooday 17 Kalena Waay Ku Dhaawacmeen Qaraxyo Maanta Ka Dhacay Banaanka Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho

0
52

Muqdisho (hubaal) Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday 17 kalena waay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil dhinaca amniga ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in laba nin oo la tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay baabuur ku qarxiyeen albaaabka hore ee garoonka laga galo.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka ku xaqiijisay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax.

Albaabka weerarka lala beegsaday ayaa waxaa inta badan isticmaala shaqaalaha garoonka.qaraxyada muqdisho

Dadka dhintay ayaa u badnaa ciidamada amniga iyo shaqaale ka tirsan shirkad gaar ah oo dhinaca amniga ka shaqeysa, taasi oo ilaalisa shaqaalaha QM, sida ay wararku sheegayaan.

Madaxa cusbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho Duniya Maxamed Cali ayaa xaqiijisay in 17 qof oo dhaawac ah lasoo gaadhsiiyey, qaarkoodna ay xaaladoodu liidato.qaraxyada muqdisho2

Illaa iyo hadda ma cadda haddii saraakiil ka tirsan QM ay ka baxayeen garoonka marka weerarka uu dhacay.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wax laga waydiiyey  xogta uu ka hayo qaraxyadaasi ayaa hadal kiisa ku bilaabay sidan:

“ qaraxaasi saaka ilaa laba saac iyo badh ayuu dhacay waxa uuna ahaa gaadhiga loo yaqaano bb oo ay qarax soo saareen gaadhigu wuxu isku dayey in uu soo gudbo, gaadhiguna wuxu ka yimid wadada madiina ee airportka soo dhinac marta waxaanu ku soo socday airportka halka waxaa joogay ciidamo oo ay isbaaro ku taalo ciidamadii baa istaajiyey markasay ku idhaahdeen noqo dabadeed wuxu iska dhigay in uu gaadhiga dib u saarayo waxaanu xoog ku soo kaxeeyey gaadhigii dabadeed rasaas ayay ciidanku ku fureen marka ma garan karo in ay dirawalkii ku dhacday iyo in kale.

laakiin in taanu gaadhigu gaadhin albaabka hore ee garoonka diyaaradaha ayuu qarxay gaadhigii, Qaraxaas oo ay dhinacyada  ka taagnaayeen        baabuur amniga sugayey oo ilaa sadex baabuur ahaa ayaay dhibaatada ugu badani ku dhacday oo ilaa 11 ruux ahaa oo hay’ada gaarka ah ee garoonka ilaalisa ayay ahaayen.

waxa jiray gaadhi kale oo yar oo daba socday gadhiga qarxay oo isaguna  marka uu arkay in gaadhigii ka horeyey qarxay ayay istageen oo ay soo dageen nimankii saarna dabadeed rasaas ayay fureen illahay qadarkii waxay ku dhacday laba qof.” Intaas ayuu wasiirka amniga soomaaliya sheegay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here