“..Isbeddelk Aanu Samaynay ee Bishan 1aad Hirglay waxaa Digreeto Fulineed Ku Amray Madaxweynaha Somaliland”

0
55

HUBAAL TV: Ka DAAWO Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee HARGEYSA Oo Shaaciyey Hanaan Cusub Oo Ku Saabsan Qaabka Cashuuraha looga qaado Dadka Madaarka Adeegsada

 “..Isbeddelk Aanu Samaynay ee Bishan 1aad Hirglay waxaa Digreeto Fulineed  Ku Amray Madaxweynaha Somaliland”

 

Hargeysa ( ) Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shaaciyey is badal balaadhan oo lagu sameeyey nidaamka cashuur qabashada ee Madaarka Cigaal oo sanadkan cusub wax ka badal lagu sameeyey.

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in nimaanka uun la toosiyey balse aan la kordhin wax cashuur ah waxaanu arrimahan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa madaarka waxaanu yidhi “ maanta waxaan halkan idiinku yeedhay inaan dadweynaha reer Somaliland iyo macaamiisha adeegsada madaarka ee ka soo daga ama ka dhoofa inaan ku war galiyo in nidaamkii cashuur qaadiseed ee madaarka wax laga badalay, oo aanu dib u habayn ku samaynay ka Xukuumad ahaan, waa cashuurahii ay qaadi jirtay Wasaaradda maaliyada, iyo lacagtii ay qaadi jirtay wasaaradda duulistu ee adeega madaarka, lacagahaas sharcigu dhigayo qaadistooda ayaanu nidaamkii loo qaadi jiray wax ka badal ku samaynay, iyaga oo aan wax kordhis ah lagu samayn. Arrintani waxay ka timid codsiga iyo tallooyinka dadka madaarka adeegsada, iyo anaga oo fulinayna siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee horumarinta madaaradda Somaliland.”

“..Isbadalka aanu samaynay ee bishan koowaad hirgalay, waxa Digreeto uu fulinteeda uu ku amrayo ka soo saaray Madaxweynaha Somaliland, iyo Wasiirka maaliyada, waxana la faray dhammaan hay’adda ay khusayso inay nidaamka cusub ee wasaaradda duulistu soo dajisay la raaco. Hadii aan sharxo nidaamka cusub ee aanu bilownay, waxa weeye waxa markii hore qofku marka uu soo dhago laga qaadi jiray lacag cashuur ah, marka uu dhoofayana sidoo kale, qaabkaasi dadku in badan ayey dhibsadeen, dunida mar kaliya ayaa cashuurka laga qaada qofku marka uu dal galayo, dadkuna taas ayey noo sooo jeediyeen, markaas Xukuumadduna waxay go’aansatay in la mideeyo cashuurahaas, oo marka uu soo dago hal mar laga qaado cashuurtii Wasaaradda maaliyadu qaban jirtay, oo laysku daray, oo ah Lixdan Dollar (60$), halka markii hore marka uu soo dago Sodon doolar (30$) laga qaadi jiray, marka uu dhoofanaya Sodon kale Doolar (30$) laga qaadi jiray, imika hal mar ayaa laga qaadanayaa, lacagtan oo laga qaadayo dadka sita baasaaboorada ajinabiga ah, waxa la yidhaa (Visa Entry), haday doonaan Somaliland-ba ha u dhashaane, lacagtaasi waa kharasha dal ku galka loo yaqaan, sidoo kalena waxaan xusayaa in Dadka sita baasaaboorka Somaliland in 10$ laga qaadayo.”

Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sidoo kalena xusay “ Waxa kale oo jiray lacagayow kale, oo sharciya iyaguna oo ay Wasaaradda duulistu qaadi jirtay, oo ah Sadex doolar oo adeeg ah oo qofka marka uu dhoofaya iyo marka uu soo dagayao laga qaadi jiray iyo toban dollar oo amaanka ah, oo uu jideeyey xeerkii Baarlamaanku ansixiyey ee Tacaariifta Madaaradda dalka, labadaas lacagayowna waanu midaynay, waxa aanu samaynay in lagu qaado nidaama Tigidhada, oo lacagtaas waxa qabanaya shirkadaha diyaarahada, qofkuna marka uu tigidhka soo goosanayo ayaa laga qaadayaa, taasina waxay meesha ka saaraysaa in qofka dhoofayaa uu lacag u soo qaato madaarka sidii hore u dhici jirtay, wax lacag ah oo qofka dhoofaya laga doonayaa ma jirto, sida nidaamka caalamka ah ayuu duulimaadkiisa ugu gudbayaa.”

Maamulaha Cigaal ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ waxa kale oo xusid mudan in dadkii dalka yimid wixii ka horeeyey 2015-ka, ee lacagtaasi laga doonayey aan laga qaadin ee Sodonka Dollar uun bixiyey, ee madaarka ka soo dagay sanadkii tagay ee 2014-ka, iyagana waxaanu u samaynay, laba bilood oo wakhtiga kala guurka ah, waxana ay Wasaaradda maaliyadu mudadaas ka sii shaqayn doontaa Terminalka laga dhoofa si dadkaas looga qaado cashuurtaas ku dhiman, sidoo kalena waxa ay shirkadaha diyaaradu wakhtigaasi dadkii aan tigidhadooda lagu darin lacagta adeega ah in laga qaado wakhtigaas, qorshahayaguna waxa weeye in Insha Allah, bisha March ee sanadkan aan wax lacag ah lagu qaban qaybta dhoofayaasha ee madaarka.”

Maamulaha Cigaal ayaa sidoo kalena ka hadlay ujeeda ay ka leeyihiin is badaladan waxaanu yidhi “ Nidaamkaasi waa mid laysla qaatay, waxaanan jecelahay inaan cadeeyo mar kale in aan habayaraatee wax kordhin ah lagu samayn lacagahaas. Dadka waxaanu u sheegaynayaa inay ku soo tallo galaan nidaamkaas cusub, hada wixii ka dambeeya sidaas ayaa loo wadayaa, arrimahan waxaau ugu dan leenahay inaanu sare ugu qaadno tayada iyo adeega madaarka Cigaal uu bixiyo, sidoo kalena in aanu madaarka ugala mid dhigno garoonada kale ee caalamka.” Ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.


10897870_390090181169836_866808852943604403_n (1)-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here