Tirada Maxaabiis Ay Qaarkood Dil Ku Xukunnaayeen Oo Mu’aamarad Kaga Fakaday Gacanta Dawladda & Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Farta Ku Godey Askartiisa

0
33

 “Waa arrin beeleede ma aha wax kale, askartanina way caawiyeen oo beel ahaan bay u caawiyeen, laakiin ciidankan Ayaan laftiisu hagaagsanayn oo maxaabiistii bay heshiis la yihiin.”Taliye Xudhuun

Hargeysa:(Hubaal)-Mu’aamarad Reeraysan oo nashqadaynteeda si weyn looga shaqeeyey, ayaa Habeen hore laga fuliyey Xabsiga guud ee Magaalada Lascaanood, waxana halkaas laga sii daayey ugu yaraan 16-Maxbuus oo dembiyo kala duwan oo dilal ku jiraan u xidhnaa, iyadoo ay maxaabiista qaarkoodna u geeriyoodeen is rasaasayn halkaas ka dhacday.

Sida uu Idaacadda BBC-da u sheegay Taliyaha Ciidamada Asltuubta Somaliland General Maxamed Cismaan Xudhuun, waxa mu’aamaradda loo adeegsaday labadii askari ee ilaalada Habeenkaas u  kala sarreeyey, kuwaas oo sida uu sheegay ay hayb wadaag ahaayeen Saddex Maxbuu soo dil dhawaan dhacay loo hastay.

Taliye Xudhuun waxa uu sheegay in marka hore goor habeennimo ah ay Askartaasi Jeelka kala baxeen Saddexdaas Nin ee Dilalka loo haystay, iyagiina sii raaceen,  “xalay(Habeen hore) afartii markay saacaddu ahayd saddexdii nin ee u xidhnaa labadii beelood ee dhawaan isku laayey saddexdii jaamac siyaad ee la xidhay ayey xalay afartii la baxeen, iyagiina way raaceen” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray, “ kadib markiii taasi dhacday ayuu taliyihii Xabsigu subixii isku dayey inuu tiriyo Maxaabiista, maadaama qaarkood lala baxay, kadibna xoog bay ku jiidheen, afar ay askartii ilaalada ahayd ku jirto  baana dhaawacmay, maxbuusna halkii buu ku dhintay.Rasaastana askartii baa ridday, markaana 12-baa baxsaday, iyo ninkii dhintay”xudhuun

Taliyuhu waxa uu sheegay in Askartu maxaabiista ka caawisay inay Xabsiga ka baxsadaan, waxana uu sababta ku sheegay mid beeleed, waxana uu yidhi, “Waa arrin beeleede ma aha wax kale, askartanina way caawiyeen oo beel ahaan bay u caawiyeen, horena way u dhacday arrintani, laakiin ciidankan, Ayaan laftiisu hagaagsanayn oo maxaabiistii bay heshiis la yihiin.”

General xudhuun waxa uu sheegay in ciidankii iyo maxaabiistii baxsadayba u dhaqaaqeen dhinaca Saax-dheer, isla-markaana Jeelkii ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamo Boolis iyo Militeri iskugu jiraa,

“laba askari baa naga raacay, waxana sida la sheegay ay tageen sax dheer, ciidamada Militeriga iyo booliska ayaa gacanta ku haya” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here