HALKAN KA AKHRI: Dareennada Ra’yul-caamka Somaliland Ka Bixiyeen Falanqayntii Wasiirrada Xukuumadda Ee Jariirrada Jamhuuriya Taxanaha Uga Socday

0
37

Sidii aannu hore idiinku ballanqaadnay wargeyska Jamhuuriya waxa uu si xidhiidh ah u soo gudbin doonaa dareennada akhristeyaashu ka bixiyeen qormooyin taxane ahaa oo wargeysku mid-mid ugu falanqeeyey 26-ka wasiir ee ay ka kooban tahay xukuumadda Somaliland.

Qofka ugu horreeya ee aragtidiisa ka dhiibtay falanqayntaas oo aan magaciisa soo raacin qoraal kooban oo uu ku soo diray barta e-mailka wargeyska waxa uu dareenkiisa ku bilaabay sidan:

“Marka hore waxa aan salaamayaa dhammaan akhristayaasha wargeyska Jamhuuriya ee sida taxanaha ah u la socdey falanqeynta ku saabsan 26 wasiir ee xukuumadda Siilaanyo.

Mar xigta waxaan doonayaa in wax yar ka yidhaahdo aragtidayda ku wajahan falaqantaas sida taxanaha ah uga soo baxayey wargeyska Jamhuuriya.

Dabcan, waxay falaqentani aniga iigu muuqataa mid aad iyo aad muhiim u ah oo akhristayaasha ay u ogaanayeen si qoto dheer wasiirradoodu kuwa ay yihiin, taas oo u fududaysey in dad badan oo reer Somaliland ah oo in badan doorbidayey inay wax ka ogaadaan wasiirrada xilalka u haya dhammaantood, maadaama dadku ay si fiican u yaqaanaan kuwa warbaahinta inta badan ka hadla oo kaliya, laakiin falanqayntani dad badan tustey masuuliyiin badan oo wasiirro ka ah wasaarado fadhiida oo shaqo weyn qaban, oo dadka aan sida weyn xogogaalka ugu aheyn la yaabeen markii ay arkeen wasiirradaas oo hore aanay u arki jirin.

Arrinta kale ee xiisa badneyd ee iyadana falaqaynta wasiirrada laga dhaxley ayaa aheyd in guulihiisa (strength), dhaliilahiisa, saamayntiisa siyaasadeed, waxqabadkiisa, waxyaabaha sida gaarka ah loogu xanto, iwm.”

 Jamhuuriya

Annigoo magacaygu yahay Yacquub Siciid, Ugu horrayn, waxa aan jecelahay in aan halkan ka salaamo dhammaan bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan bahda Jamhuuriya Media Group oo ah runtii wargeys taariikh dheer ku leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Marka labaad waxa aan aad idinku mahad-celinayaa qormooyinkii taxanaha ahaa ee aad ka qorteen wasiirrada xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Intaa kadib waxa aan jeclaan lahaa in aan in yar taabto qaabka aad u qorteen qormooyinkaas xiisaha badnaa oo aan odhan karo runtii waxay ahaayeen qaar wax badan ka tari kara barashada masuuliyiinta xilalka ka haya qarankeenna, taasoo sababi karta in shacabku wax badan aad ka ogaadaan taariikhdooda, aqoontooda, waayo-aragnimadood siyaasadeed iyo weliba masuul kastaa arrimaha uu gaarka u leeyahay oo badankoodu ah kuwa qarsoon.

Sidaa awgeed, waxa aan jeclaan lahaa in bahda Jamhuuriya sii kordhiyaan qormooyinka noocan oo kale ah oo lagu falanqaynayo madaxda goleyaasha qaranka, asxaabta siyaasadda, siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan xubnaha ku bahoobay Madasha Wada-tashiga, La-taliyeyaasha tirada badan ee Madaxweynaha, masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee madaxbannaan iyo cid kastoo xil qaran u haysa ummadda Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here