“26 June Iyo Xalka Dalka!” Prof. Musate Baruud

0
35

26 June ee sanadkani, waa maalintii loo asteeyey doorasho xor iyo xalaal ah, in ay shacabka reer S.land ku soo doortaan Masuulka ay noloshooda iyo nolosha ubadkooda kala xisbaatami lahaayeen shanta sano ee la filaayo mustaqbalka dhaw, hadii Alle qadaro (2015 ilaa 2020), balse nasiib daro taasi ma muuqato.

 mustafe baaruud

Sababta ay tani u dhacday maaha mid fogg, mana ah mid doodi ka taagantahay, balse waa Madaxweyne fashilmay iyo dhaqankii, waa siyaasi kali noole ah iyo sumadii, waa hogaamiye damiir xun iyo ficilkii. Qawaaniinta dawliga ah iyo dhaqanaddaa ummadaha caqliga ka koray, dib u dhac doorasho waa gaf sharci, dhayalisi qaynuun, ku talogal maamul, cumri dhararsi awoodeed iyo ihaanaysi masuuliyadeed, sidaa darteed waxa ka dhasha maamul xayuubin, xadhig iyo isla xisaabtan sharciyeed.

Intaas waxa dheer, Innaga dalkeenka, ma jirto sifo sharci, mid caqli iyo mid cilmi toonii, taas oo loogu cudur daari karo maamulka Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa sababta ku dhalisay dib u dhaca himilada qarankan baahida weyn u qaba in uu muujiyo sumcad iyo hanaan maamul wadaag, si uu aduunku ugu qanco doodiisa aqoonsi raadis.

Hadii se aynu kabohooda xidhano, oo doorashadaa dib u dhacday xalkeeda dul istaagno, waa in 26 June wixii ka danbeeya dalka laga hir galiyaa dawlad wadaag ah, dawladaas oo ay xunbo ka yihiin dhamaan asxaabta qaranka, si loo sugo in Gudidada doorashooyinka qaranku si habsi ah u fuliyaan hawlohooda qaran, dalkana ugaadhsiiyaan maamul iyo hanaan xalaal ku yimaada, dhamaadka sanadka 2016 inshalah.

Laakin se, muwaadiniin badan ayaa shaki ka qaban fikirka dawlad wadaag ah, shakikaasi wuxuu salka ku hayaa laba arimood, tan hore oo ah, aqoon daro iyo waayo aragnimo la’aan inta badan shacabku kaga suganyahay waxa ay tahay dawlad wadaagii, tan labaad oo ah tan ugu weyn, uguna foosha xun ayaa ah, Siyaasadaynta Xukuumada kulmiye ee Nabada (Peace Politiking).

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyadoo ugu talo gashay khamaarka ah Muddo kordhinta iyo wixii ka dhalan kara ee qas iyo qalalaase ah, ayey hadana ciyaaraysa in Siyaasada “Tuug intaan tuug ku odhan ayaa tuug la yidhaah”, iyadoo nabad darada ku ladhaysa fikirka Dawlad wadaag ah.

Xukuumadu waxa ay iibinaysaa in Dawlad wadaag ahi la mid tahay dawlad la’aan, dawlad la’aanina lamid tahay Qas iyo Fawdo, taasina ay tahay wax aan marnaba la qaadan Karin, dawlad ahaan iyo shacab ahaanba.

Siyaasada noocan ah waa ta qudha ee Xukuumada hada jirta ay dheeli karto, si ay u gaadho qorsheheeda siyaasadeed. Kulmiye waa in uu shacabka dooransiiyo Dawlad wadaag ah, (dawladd la’aan), iyo sii joogi taankooda, taas oo shacabka dhaxalsiin doonta laba daran lagu dooransii, aakhirkana quluubta shacabka u janjeedhin doonta dhaqankii ay barteen ee mudo kordhin iyo naasnuujin loo sameeyo danbiilha, iyadoo la dhaafsanayo huumaga nabad iyo xasilooni siyaasad ahaan la abuuray.

Si kasteba ha ahaagtee, dawlad wadaagii waa dhaqan siyaasadeed aduunka, gaar ahaan dunida ku dhaqanka hanaanka dawlad ahaan aynu qaadanay ee Dimuqraadiyada, waa dhaqan ku fadhiya awood qaybsi siyaasadeed, gaar ahaan marka ay hanaanka maamul ee dalalkaas ay ku timaado wax laysla qirsan yahay, sida codadka oo is leekaada ama isku dhawaada, xaalado qaran oo dib u dhiga doorasho cusub, kuwaaso noqon kara kuwo dhaqaale, ammaan, siyaasadeed ama sharci.

Balse nasiib daro, maamul sida inaga oo kale ogaan iyo ula kac dib ugu dhigay doorashooyinkii waa hanaanka aduunka looga yaqaan hogaamiye doorasho ku yimi balse gadaal kali taliye ka noqday,dawadiisuna waa mid ku xidhan dal kaste iyo duruuftiisa.

Innaga oo shacab ahaan se eeggayna nabarka aadka u xanuunka badan ee nabada, waxa ay hadana wali ugu baaqayna in la hirgaliyo dawlad wadaag ah, taas oo dawo ka noqon doonta arimahan hoose:

1- Abaal marin iyo kula xisaabtan xukuumada lagula xisaabtamayo khaladkeeda.

2- Suggida iyo hubinta habsi socodka doorashada mudo dhaafka ah, iyadoon lagu aamin karin xukuumada oo qudha.

3- Xakamaynta iyo Sinaan u adeegsiga hantida qaranka, gaar ahaan Iclaamka (TV, Radio iyo Jaraa’idka), Gaadiidka, Qarashka Ololaha, iyo dhamaan aasaasiyaadka dawladeed.

4- Xoojinta iyo Kormeerka hanaanka abaabulka, codbixinta, tirinta iyo ku dhawaaqida natiijooyinka doorashooyinka, si looga hor tago madmadaw iyo waxkastoo tuhun keeni kara.

5- Jidaynta iyo Sunaynta in aan Masuul danbe xil kordhin loogu abaal gudin, marka uu shaqadisa ku gabood falo, isagoon haysan wax cudur daar ah.

6- Tusida iyo u muujinta beesha caalamka bisaylka siyaasadeed ee dalkeena.

Guntii iyo gabo-gabdii in dawlad wadaag ah la helaa waa dariiqa ugu caafimadka badan ee dalka gaadhsiin kara doorasho xor iyo xalaal ah, shacabka ka saari karta daruuraha madaw ee mustaqbalka dhaw dul hoganaaya.

Mustafe Baroud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here