Hargeysa (Hubaal)- Munaasibad loogu debaal degayey sannad guuraddii 55-aad ee ka soo wareegtay 26-kii June 1960 markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland. Xuskan ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo, Wasiiro, Badhasaabkii ugu horreeyey ee Ingiriiska kala wareegay calanka, wasiiro, xildhibaanno, Guddoomiyaha Xisbiag Kulmiye, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin kale.
Xafladan qiimaha badan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaa Farxad Weyn Maanta Inoo Ah In Aynu U Dabaal Degno Mudadii Ka Soo Wareegtey Markii Aynu Xoriyadeena Ka Qaadanay Dalka Ingiriiska Oo Laga Jooga 55 Sano Isla Markaana Ku Beegan 26.June.1960, dalkeenu Waa Dal Aad Iyo Aad U Soo Halgamey Waa Dal Ay Dadkiisa Iyo Dadkiisu Madaxbaanidiisa U Soo Halgameen Waynu Qaldaney Waxyaabo Badan Oo Aynu Sameynay Wey Jiraan Lakiin Maanta Weynu Ka Soo Kabaney Xoriyadeeni Iyo Dadnimadeeni Ayeynu Heysanaa Calaamkuna Waa Uu Inala Macaalimaa Waxa Aynu U Baahano Weynu Qabsan Karnaa Insha alleh Waxeynu Rajeyneynaa In Aynu Caalamka Ictiraaf Buuxa Aynu Ka Helno Waana Aanu Ku Dadaali Doonaa Waxaanan Hanbalyo U Dirayaa Ciidamada Qaranka Iyo Shacabka Somaliland Meel Kasta Oo Ay jooganba “ Ayuu Yidhi Madaxweynah Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo .
Sidoo kale waxa xafladan ka hadlay masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo odayaasha joogay 26-june ee Somaliland, kuwaas oo gebi ahaanba ku dheeraaday qiimaha ay maalintani u leedahay Somaliland iyo qaranimadeeda, iyada oo dadkana hogo tusaaleeyey jewigii maalintaasi iyo farxaddii ku dheehnayd.