“26-ka; June & 1-da; July Waan U Dabbaal-degi Lahaa [Laakiin] Waxaan Jeclaan Lahaa In Dadkaygii Iyo Dalkaygii Aan Jeclaa Ee [Reer Somaliland] Ay 18-ka MAY………”

0
41

Foosiya Yuusuf X. Aadan Oo Ka Hadashay Dareenkeeda La Xidhiidha Dabbaal Degga Munaasibadda 18-ka May Iyo Amuuro Khuseeya Qaddiyada Somaliland Iyo Qalin-Daarka Soomaaliya

“Soomaalida Waad Taqaaanaa Oo Afar Bilood Bey Arrimaheeda Gorfeysaa, Laakiin Kolba In Laba Maalmood Meel Loo Yaacaa Macno Ma Laha Oo Waa La Daallan Yahay, Wada-Hadallada [Somaliland Iyo Soomaaliyana] Waa Diciif Weli Oo Natiijo Ma Jirto”

++++++++++

 “Maadaama Hab Qabiil Lagu Soo Xuli Doono Xubnaha Baarlamaanka, Annagu Waxaanu [Xamar] Ku Joognaa 61 Xildhibaan Oo Somaliland Ka Socda, Dadka Halkan [Muqdisho] Jooga Iyo Kuwa [Xilalka] Soo Doontana Waxaa Soo Xuli Doona Odayaal”foosiya

Nairobi (Hubaal)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dawladda federal-ka Somalia, haatanna ah xubin katirsan Baarlamaanka Somalia Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ka hadashay dareenkeeda la xidhiidha xuska 18-ka May ee ay Somaliland u dabbaal degto iyagoo ku tilmaama maalin ay xorriyadooda ka qaateen Soomaalia inteeda kale. Marwo Foosiya oo iyadoo dalka Kenya ku sugan khadka telefoonka ugu warrantay wariye Cali Xaraare, ayaa si cad u sheegtay inaanay marnaba jeclayn kala go’a Somalia, waxana ay carrabka ku adkaysay in maalinta kaliya ee ay aaminsan tahay in dabbaaldeg loo sameeyaa tahay 26-ka bisha June oo ah maalintii gobollada waqooyi xorriyadooda ka qaateen mustacmaradii Ingiriiska. “anigu caan baan ku ahayoo inuu dalkaygu kala go’o oo dadkaygu kala qayb qabsamaan ma jecli, dhibaatadaas iyo silicaasna waxa inoogu wacan kala qaybsanaanta, 26-June iyo 1-da Jully labadaaba waan u dabbaal degi lahaa, 18-ka May-na dadkaygii iyo dalkaygii aan jeclaa waxan jeclaan lahaa in sida aan wax u arkayo iila arkaan” ayey tidhi marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Marwo Foosiya waxa ay dhinaca kale qirtay inay Somaliland wakhtigan dibadda ka tahay arrimaha Somalia, waxana su’aal laga weydiiyey qaabka xildhibaanada magaca Somaliland ku fadhiya baarlamaanka ku geli karaan doorashooyinka soo socda, ay ku jawaabtay,“Somaliland arrinkeedu waa arrin gaar ah, Somaliland-na sida aad la socotid dawlad ahaan ma ogolla, waxana ay yidhaahdeen waanu goosanay oo dawlad madax bannaan baannu nahay, laakiin Soomaaliyi intay meel isla tagtay lagu heshiinin.” Xildhibaan Foosiya waxa ay sheegtay in mudanayaasha kuraasta Muqdisho ku fadhiya ee magaca Somaliland sheegta ay soo xuli doonaan wakiillo sida ay sheegtay ay wakiisheen madax-dhaqameedka Somaliland,“Anigaa kamid ah xildhibaanada Somaliland ka socda waxana aanu ku joognaa 61-xildhibaan oo gobollada waqooyi ka socda, dadka Halkan jooga iyo kuwa soo doonta, ayaa la kala eegayaa, dawlad goboleedna masoo xulayo dadka waqooyiga ka joogee waxa soo xuli doona odayaal. garaadada iyo odayaasha ayaa soo xuli doono, waliba waxa ay u badan tahay cid ay soo wakiisheen, maadaama hab qabiil lagu soo xuli doono” ayey tidhi foosiya yuusuf. Waxa ay sidoo kale ka hadashay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxana ay cabasho weyn ka muujisay gaabiska ay ku socdaan iyo natiijo la’aantooda, waxana ay tidhi,“Natiijo ma jirto walina wada-hadalladu si daciif ah bay u socdaan, waana taqaanaa oo soomaalidu arrimaheeda geed baa la fadhiistaa afar bilood iyo saddex bilood la fadhiyaa, waana la lafo guraa, laakiin laba maalmood oo la yaacayo oo la daallan yahay wax macno ah ma laha, laakiin guul baa laga gaadhi doonaa insha allah.” Xildhibaan Foosiya, ayaa ka hor intii aanay dhinaca magaalada Muqdisho kaga biirin siyaasadda waxa ay dhammaadkii sanadkii 2012-kii Somaliland ka furatay urur-siyaasadeed ay ugu talo gashay inay sallaanka siyaasadda ka fanato, balse markii ururkaasi kamid noqday ururradii guuldarraystay, ayey dhinaca Somalia u dhaqaaqday, iyadoo isla-markiiba kusoo baxday xukuumaddii la dhisay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here