Ragii Ka Dambeeyay Dilka Wasiir Cabaas Oo Loo Gacan Geliyay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somalia
Muqdisho (Hubaal):- Ciidan la socday Hanti-dhowrka Guud ee dalka Nuur Farax, ayaa habeen hore toogtay wasiirka howllaha guud iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya Cabas Cabdullahi Siraaji, Dilka Wasiirkan ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda Villa Somalia ee Magaaladda Muqdisho. Marxuum Cabaas ayaa ka mid ahaa wasiiraddii la dhaariyay bishii March ee sanadkan, waxaana uu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee abid kasoo muuqda wasiirada Soomaaliya, sidoo kallana waxaa uu ahaa xildhibaan laga soo doortay magaalladda Kismaayo. Marxuum Cabaas, oo 31-jir ahaa ayaa waxaa uu wax ku bartay kuna bar-baaray xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya, ka hor inta siyaasada uusan kusoo biirin. Marxuun Siraaj Waxaa uu Xilka hayay Mudo 31 Cisho ah Taas oo ka dhigaysa 31 Jir Xilka Wasiirnimo hayay 31 Maalmood Ilaahay ha u Naxariisto.
Ragii ka dambeeyay Dilka Wasiir Cabaas oo loo Gacan geliyay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somalia
Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in lagu wareejiyay labo askari oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilkii magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya. Labada askari oo katirsanaa ilaalada Hanti dhowraha qaranka Dr Nuur Faarax waxaa xidhay ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya, waxaana askartan lagu sameeyay baadhitaano ku aadan dilka ay u geesteen Wasiir Cabaas Siraaji. Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa si deg deg ah loogu wareejiyay labadan askari ee ku eedeysan dilka Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, waxaana la filayaa in Maxkamada ciidamada qalabka sida si deg deg ah loo soo saaro. Waxaa wali socda baadhitaanka ay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ku sameenayaan dilkii agagaarka xarunta Madaxtooyada loogu geystay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Somalia Cabaas Siraaji, walina ma jiro wax faah faahin ah oo laga soo saaray baadhitaanka. Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka Wasiirkii ugu dhalinta yaraa Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna ku baaqeen in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo dilkaasi cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay.