DAAWO: Jawaabaha Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Ka Bixiyeen Eedo iyo Hanjabaad Xukuumaddu U Jeedisay

0
56

Hargeysa(Hubaal):- Masuuliyiinta Sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo Safar Shaki badan laga muujiyey oo ay magaalada Nairobi ku joogeen illaa Axaddii toddobaadkii hore, ayaa Axaddii Maanta ku soo laabtay Hargeysa, isla markaana Jawaabo kulul ka bixiyey eedaymo iyo hanjabaado ay Masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsani u jeediyeen Weftigaas oo ay ujeeddada uu Nairobi u tegay ku tilmaameen Inqilaab, Qaran-Dumisnimo iyo Sharci-darro.

xirsiHase-yeeshee, Weftigan oo uu hoggaaminayey Musharraxa jagada Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ay Xubno ka ahaayeen Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Waddani Maxamed Cali, Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kale oo Xisbigaas ka tirsan, ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib waxay la hadleen Saxaafadda qaarkood, waxaanay ku doodeen in ujeeddada Safarkoodu ahayn sida ay Xukuumaddu u fahantay iyo sida loo fasirtay ee uu ahaa mid dalka iyo dadka Somaliland dani ugu jirto.

Xubnaha Magacyadoodu kor ku xusan yihiin iyo Xubno kale oo Xisbiga Waddani ka tirsan, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Mixille Boqorre kaga hadlay Safarka Weftiga Waddani iyo eedayn uu Jimcihii Cirro Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye u jeediyey. Waxaanu Cirro oo u jawaabay Mixille sheegay inaanu waxba ka aqoonnin Dublamaasiyadda uu ku faanay inuu wax ka yaqaanno Wasiiru-dawluhu.

Haddaba, Hadallada Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaaradka ah ee Waddani arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadleen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warkooda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho habboon:-

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here