DAAWO Muuqaalka Iyo Sawirrada Kulan Dardaaran Xambaarsan Oo uu Madaxweyne Siilaanyo Farriin Ku Faray Dan-jireyaasha Toban Wadan Oo Dibeda Ah U Fadhiya Somaliland

0
30

DAAWO Muuqaalka Iyo Sawirrada Kulan Dardaaran Xambaarsan Oo  uu Madaxweyne Siilaanyo Farriin Ku Faray Dan-jireyaasha Toban Wadan Oo Dibeda Ah U Fadhiya  Somaliland

Hargeysa (Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xafiiskiisa Madaxtooyoada Hargeysa ku qaabbilay, isla markaana kulan kula yeeshay 10 ka tirsan Wakiillada ama Safiirrada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Waddamada dibedda. Wakiillada ayaa shalay Khamiistii magaalada Hargeysa kaga soo qaygalay Shir ujeeddadiisu ahayd Tabobbar, is-barasho iyo habka ay u gudan karaan waajibaadka saaran, kaasoo laba cisho u socday. Waxaanay markii uu shirkaasi u dhammaaday Khamiistii Maanta Salaan ugu tageen Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku kulmeen Qasriga Madaxtooyada. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa farriin iyo dardaaran faray Wakiillada tobanka ah ee uu Xafiiskiisa ku qaabbilay, waxaanu u jeediyey inay ku dedaalaan gudashada waajibaadka Qaran ee saaran, si dalkani u helo himiladiisa uu ugu horreeyo aqoonsiga ay Somaliland u oomman tahay, sida uu Saxaafadda u sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire oo markii kulankaas laga soo baxay kalmad kooban ka yidhi waxa lagaga wadahadlay kulankaas.

img_0000“Maanta [Shalay] waxaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku soo siyaartay xafiiskiisa toban ka mid ah wakiillada  ama danjire yaasha Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka innoo jooga”. Sidaa ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalkan Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ay wakiilladani hoos tagaanisla markaana shaqo ahaan ku xidhan yihiin wasaaraddiisa. Waxaana uu Dr. Sacad oo hadalkiisa sii wataa uu intaas ku ladhay ujeedada ay salka ku hayso booqashada safiirradani ugu tageen Madaxweynaha “Siyaaradani waxay ka dambaysay laba maalmood oo isugu jira tabobar, iskaashi,  isbarasho iyo waayo aragnimo qaybsi loo sameeyey safiirrada, waana markii labaad ee shir caynkaasi oo kale ah laysugu yimaado”. Wasiirka khaarijiga Somaliland waxaa uu warbaahinta  ku sugnayd xarunta madaxtooyada u sheegay farriinta ay xambaarsanayd dardaaranka uu Madaxweynuhu siiyey wakiilladan “Madaxweynuhu waxaa uu ku guubaabiyey safiirrada in xilkii loo igmaday ay ku dadaalaan oo ay halkaa kasii wataan si aynu ugu guulaysanno, himillada aynu leennahay oo ah inaynu caalamka ka helno aqoonsi”. Ayuu Wasiir Sacad Cali Shire ku soo koobay xog warranka uu war fidiyeennada ku siiyey aqalka Madaxtooyada.

farriin-uu-madaxweyne-siilaanyo-faray-dan-jireyaasha-toban-wadan-oo-dibeda-ah-u-fadhiya-somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here