ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2017-ka
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)
Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban.
Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin.
Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ay ku falanqeeyaan isbedelka cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha.
Haddaba, waxa aynu male aadame ku male’awaalno, Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2017-ka, waxaanay odhan jireen, Dadka ku xeelka-dheer leh, cilmiga odoroska xidigaha “Waxaanu u eegnay Mooro, Meere iyo Maalin,”
Nayruuska Sannadkan 2017-ka, waxa uu ku curtay Maalin Axadeed oo Naariya, waxa la odhan jiray maalin Axadeed, waxa ay u wanaagsan tahay in la isticmaalo arrimaha rag ah, hamiga, mustaqbalkiisa, hadafka, caafimaadka, awoodaha, badbaadinta, cibaadaysiga iyo guulaha.
Sannadkan cusub ee 2017-ka, wuxuu Dayaxu ku curtay burji hawaa’iga ah ee dalow, haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Hawaa’i ah, waxa la odhan jiray dabaylaha ,shimbiraha iyo ayaxuba way bataa, dhinaca awooddaha salaadiinta, ganacsiga iyo kalluunkana wuu yaraadaan, waxa kale oo la odhan jiray burjigan waxa uu ku farxaa qaabka bani’aadanimada, siyaasadda, sahaminta shiidaalka dhulka,seerayaasha, duur-joogta, qorayaasha, cilmi dhagoolka iyo in talaabo laga qaado wax-barashada, Runtana Allaa Og.
Waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxaana la odhan jiray:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow, kulayl, abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin.
Habeenka curashada Sannadka cusub ee 2017, Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga arliyada ah ee baciidka, waxaanu leeyahay wajiyo badan oo khuseeya, dhinaca xaaladaha tarbiyada nafta, nidaamka iyo in la gaadho shaqooyinkii la hiigsanayey mustaqbalka, waxa muhiim ah in aynu taxadir u lahaano, wixii ka dhalan kara awoodaha aynu u arragno in ay fudud yihiin, taasoo ay keento marka qaranku ku jiro xaalada dawakhaadeed, isla-markaana aanay jirin sharci iyo xukun la raaco, dhinaca dareenka shaqada baayac mushtarku waa mid aad u awood badan wakhtigan, waa in fiiro-dheer loo yeeshaa, iyadoo la isiticmaalayo feejignaan, lana ixtiraamo marka loogu yeedhayo qaarkood inay ka qayb-qaataan badbaadada qaranka, sababtoo ah, waa kuwo aan lahayn hadalkoodu raxmad badan.
Dayax-shanaad waxa la fillan jiray, filasho wacan, waxa kale oo lala kulmi jiray iska hor-imaadyo la iskaga soo hor-jeedo u jeedooyin badan, dunida waxa ka dhici jiray kacdoon, riyooyin ujeedooyin badan leh, qorshayaal marka la tijaabiyo wajiyadoodu ay noqdaan kuwo xaqiiq ah, waxa kale oo lala kulmaa cadaadis badan oo dhaliya guusha oo jabiya wax-kasta oo ku ahaa caqabad, dariiqa kaliyaata ee ugu fiicana waa in lala qabsadaa.
Sidoo kalena, Dayax shanaad, waxa lala xidhiidhin jiray, cadhada, himiladda, dhiiranaanta, socodka, hadhka, kibirka, xaqa, Cadhada dhow, gefka degdega ah, caaqilada, ciidamada, wana daaqad u furan fursadaha oo ay tahay in talaabo la qaado iyo in la dhameystiro wixii la soo qabtay, waana in wax laga bartaa ruwaayadaha ku hoos jira, war-war la’aanta, doorashada labka iyo dhadiga, waxa lagama maarmaan ah in la xaliyo khilaafaadka iyo in maseyrka laga gaadho midho-dhal waara. Runtana Allaa Og.
Hawlaha wanaagsan:- Waa xilliga billowga qorshayaasha cusub, koritaanka, jaceylka, dib u cusboonaysiinta, dib u dhalashada, mahad naqa, joojinta caadeysiga xun-xun, bilaabida bashaariicda, abuurida fikradaha rajada leh, helida shaqooyinka, sameynta xidhiidhka qorshayaasha fog
Hadafkiisu waa :- Xilli la dhigo hadaf cusub, dib u eegisna lagu sameeyo wakhtiga dhow iyo wakhtiga fog ee la xidhiidha siidka beeraha.
Dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray, waa kuwo cajiib ah, oo qabow, xasiloon, qalafsan, gaabis, fudeyd,digtoon, arxan daran,habacsan, niyad wanaagsan, oo leh akhlaaq, dulqaad, han iyo adkaysiba, ishana ku haya fikradaha, ka gudba shaqooyinka adag, daacad ah, masuul ah, macquul ah, shaqsi ku adag wax kasta oo lagu kalsoonaan karo, laakiin, waxaa laga yaabaa inay hadaladoodu ay noqdaan kuwo wax xisaabiya, iyo inay wax-walba ka shakiyaan.
Dhanka wanaagsan:- Waxa ay noqdaan Dadka macquulka ah, wax-qabadka badan, hamiga badan, nidaamiyayaasha, joogteyna leh
Dhanka mugdiga ahna :- Waxay noqdaan kuwo aan shaqada ka nasan, nasan, habacsan, madax-adayg, dhibka yar, hadal badan.
Dhinca xirfadaha:- waxa ay noqdaan, siyaasiyiinta, cilmi-baadhayaal, suxufiyiinta, saynisyahanada, maamulayaasha, farsamayaqaanada.
Burjigan waxa kale oo uu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dareenada wax-qabsasho, hadhid, kibirsanaan, hami dadka oo gaadha meelaha ugu sareeya, mudahaaradka. Runtana Allaa Og.
Sannadkan Cusub ee 2017-ka, Dhinaca hawalaha oo laga saadaalin jiray in uu hirdan dhex mari doono kuwa daacada ah iyo kuwa damaca badan, kuwa ogol in lala noolaado iyo kuwa daneystayaasha ah ee xasidka ah, wixii gaboobay iyo waxa cusub, kala qaybsanaan badan oo u dhexeysa qaabka fikirka iyo dadka, waxaana run ah in lala kulmi doono fikradaha curdinka ee la rumeysan karro, mana aha in lagu qiimeeyo oo kaliya amar soo qabasho ah, wax kasta oo aan run ahayn ama aan la xaqiiqsan karin, taas waxa ka fiican in la iska dhaafo, lagana eego dusha sarre xaaladdaha iskaashi ee lagu tar-tamayo, waxaana laga helli-karaa gudaha ujeedooyinkooda, waxa muhiim ah inaynu joogteeyno, Alle bariga, cibaaddada, daryeelka, isku-naxariisashada, isku-tudhida iyo deeqsinimadda, la arkee inaynu arragno naxariista Alle (SWT).
Sida ay umuuqato dhinaca siyaasadda waxa loo eegi jiray, in aanay wax-baba ahayn mabaadiida siyaasadeed ee gaarka innoo ahi, isla-markaana aynu Alle (SWC) ka barino in uu wanaajiyo oo aanu ka yeelin mid ay ku timaado burbur iyo khilaaf siyaasadeed dunnidan aynu ku nool-nahay, marka uu noqdo hogaanku shaqsi kaliya ama koox qudha oo ujeedo kaliya leh, waa in heer-qaranimo oo aad u sareysa, oo miyir-qab ah, oo dheeli-tiran loogu eegaa xalka dhibaatadaasi sidii loogaga bixi lahaa.
Dhinaca awoodaha dabiiciga ah ee ugu waaweyn waxa ay la socodaan heerarka gudaha, marka ay khatartu dadka wada-gaadho, waxa ay noqdaan kuwo ka warqaba dhinaca hadhku ka saaran yahay dowladooda, danayn-la’aanta, arxandaradda ahi waxa ay inoo jeexi doontaa dariiqii iyo habkii aynu wax-kaga qaban lahayn.
Shaqsiyaadkana waxa la filan jiray inay yimaadaan shaqsiyaad badan oo xirfad buuxda u leh nidaamka dowliga ah, isla-markaa, si wadajir ah loogu dhaqaaqo, habkii lagu helli-lahaa xidhiidhkii wanaagsanaa ee inaga dhaxeeyey wadamada jaarka ah, xidhiidhka gudaha iyo dibadaba, sababtoo ah, waxa laga yaabaa inay jiraan waxoogaa in lagu dabaqo qaab-dhismeedka heshiisyadii taagnaa in la illaaliyo.
Waxaana loo baahan yahay in imtixaanada runta laga sheegno oo loo cadeeyo bulshada, laguna qiimeeyo anshaxa iyo qofnimadda ruuxiga ah, taasi waa iskaashigii aynu u baahnayn ee aynu ku ururin lahayn fikiradaha, sidoo kalena, arrimaha siyaasadda ee hadda socdaana waa mid si cad inoogu muuqata in daawaduhu ay u baahan yihiin isbadel
Ugu danbeyntii, qofkastaaba waxa uu masuul ka yahay oo ugu weyn waa hogaaminta masuuliyadda naftiisa iyo in uu naftiisa ka xakameeyo ficiladda aan wanaagsanayn, sababtoo ah, waxa hore u daciifiyey nidaamkii iyo qaabkii dowladnimo shaqsiyaad aan aamin ahayn. . Runtana Allaa Og.
Sannadkan dhinaca awoodaha waxa lala xidhiidhiyaa Awood darrooyinka nidaamka dowladnimo, waxa uu noqon doonaa mid sii socda illaa iyo inta uu badelayo shaqsi awood badan u leh shaqsiyaadka, kaasoo wakhtiga fooda innagu soo haya dabooli doona wax badan, innagoo waliba haysana wixii aynu ku gaadhi lahayn fursaddaasi, taasi, waa xaqiiqadda dhabta ee ku jirta maskaxaha iyo qalbiyadda aadamaha, mana aha kuwa kugu hareeraysan ee kugu xeeran oo kaliya.
Marka aynu eegno qaabka uu u socda isbadelka horumarka aduunku, waxa soo bixi doona kulamo iyo doodo lagaga soo horjeedo arrimaha horumarka, mudooyinkaa lagu guda jiro dhacdooyinkaas marka ay dhamaadaan, ka dib, waxa ay inagu hogaamin doontaa maskax caafimaad qabta, xitaa haddii jihadaasi ay u muuqato in ay tahay mid dib-usocod ah xilligaasi.
shaqsiyaadka khibrada iyo waayo arrragnimada u lahaa 30-kii sannadood ee aynu soo dhaafnay, waxa ay yihiin kuwa leh awood xalineed oo khuseeya mowduucyadaas heerarkoodu aadka u sareeyo, inkastoo laga yaabo inay dad badani dareemaan rajo wanaagsan oo isku dhafan, baqdin iyo cabsi ku saabsan sida ay ula muuqato jihada dunnidu u dhaqaaqayso. Runtana Allaa Og..
Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2017-ka , warsidaha xanbaarsan sawiradda aadka u balaadhan ee ka tarjumaya waxa ka socda dunidan aynu ku uuman nahay iyo saameynta uu ku yeelan doono heshiiska weyn ee uu la galay meeraha illimaqabatiga ahi, wada-jirkii wacyi-galineed ee horseedka u ahaa geedi socodka isbadelka wanaagsan, waxa ay waxyeelanaysaa halkii ay maskaxdeenu ay ku jihaysnayd ee aynu diirada ku haynay, waxa ay bulshadeenu haysataa korodhka awoodeed oo aad u sareeya.
Waxa kale oo Meerahan illi-maqabatayga ah oo ku jira burjiga baciidka, uu ku hawlan yahay heegan dowladnimo iyo in la xadido oo laga soo jeedsado wacyi-galinta, isla-markaana, la tayeeyo kartida hogaaminta dowladnimo.
Inkastoo Meerahaasi uu hawlo shaqo u joogay burjigan, Sannadihii aynu soo dhaafnay ee 2008-kii, illaa iyo wakhtiga uu ka socdaali doono Sannadka soo socda ee 2024-ka, waxa dalka jamhuuriyadda Somaliland ka jiri doona wacyi-galin badan oo aan qaan-gaadh ahayn, waxaana loo baahan yahay in dib-udhis lagu sameeyo, wax badan oo ku taxaluqa nidaamka dowladnimo, ee ku lug leh heerka miyir-qabka, illaa iyo inta aduunku ka gudbaayo caqabadahaas.
Tamarta meerahani waxa ay ina tusinaysaa, in dhinac hadh-kasaaran yahay awoodaha xukunka iyo nidaamka dowladnimo, la xadeeyo damaca hunguriga ah wakhtigaas, taas macnaheedu waxa weeyaan in ay tahay dariiqa ugu fiican ee lagaga bixi karo caqabadahaas, waxa kale, oo wax-tarka iyo wax-qabadka dowladaha waaweyn wiiqi doonta aamin-la’aantooda, fariimaha khal-khalsan ee haddana isku-murugsan iyo shaqsiyaad badan oo badankoodu ay yihiin mucaarid oo haddana xillal waaweyn ka haya xukuumadaha, taasoo aan si cad ugu muuqan Karin qofka waayeelka ah, isla-markaana, habac-sanaantiisaasina aanu ku kala hufi Karin wax-yaabahan sii kordhaya.
Xidhiidhkan dawakhsan ee ka dhaxeeya meerahan illi-maqabatiga ah iyo kacdoonka meeraha raage ee ku jira shaqsinimada burjiga fushadaha ah sanaddkii 2011-kii illaa iyo 2019-kii, inta aanu bilaabmin kacdoonkaasi, waxa fiican in la horumariyo fikradaha midho-dhalka in ka badan hab-dhaqanka daneysinimo ee qofeed , hoggaamineed iyo go’aan qaadashada hab-nololeedka, waxa laga yaabaa in muddo gaaban la arko dadka oo intooda badani naftoodu ku milmaan arrimahaas, waxaana haboon inta aynu ku hayno isha gudaheena aynu ku hayno wax badan isha arrimaha dibada ee aduunka, talaabada aynu hore u sii qaadnaa waa mid wanaajinaysa xidhiidhadeena, nafteena, isla-markaana, la sii xoojiyo, lana qiimeeyo talaabo kasta oo hore loo qaaday. Runtana Allaa Og..
Meeraha libdhe oo saddex xagal kula kulmi doona burjiga dibiga ah, waxa uu ku hawlan yahay, sidii wax loogaga baran lahaa lacagihii iyo deeqihii fiicnaa, ee aan sida fiican u gaadhin halkii loogu tallo-galay iyo dadkii caydhoobay. Runtana Allaa Og..
Waxa kale, oo laga yaabaa inuu dayax-madoobaad uu dhaco bisha labaad-10/11 ee sannadkan, waxaana la odhan jiray waa in dheeli tir lagu sameeyo xaalada dibada, xaqiiqadana la dhiiri-galiyo, waxaana la filan jiray inuu yimaado, isbadel weyn oo dhaqaajiya wax-yaabihii yar-yaraa ee taagnaa, waxa kale oo laga yaabaa in mar-labaad uu dhaco dayax-madoobaad bisha sideedaad todobadeeda, waxaana haboon in dib dheeli tir loogu sameeyaa xidhiidhka iyo awooda, Runtana Allaa Og..
Moorada Sannadkan 2017-ka waxa uu ku beegmay Moorada Nayruus Axadeed, oo loo nisbeeyo astaanta 5-aad ee burjiga Asad, godadka dayaxu uu marana waxa ku leedahay Koxdin-mijin iyo Koxdin-awr, waana xilliga badhtamaha xaggaaga, waa burji naariya oo lab ah, laba maalinle iffa, nuura, waa kuleyl iyo hanfi, wuu toosan yahay, jihadiisu waa bari, waxaana lala xidhiidhiyaa dhinaca Dowladaha, Guurtida, xidhiidhka bani’aadanimada, horusocodka asxaabta, waxa kale oo lala xidhiidhiyaa wax-yaabaha aan salka iyo raadka toona lahayn, xornimodoonka, abuurid cusub, hiigsiga, himiladda, macquulnimadda, bani’aadanimada, saaxiibtinimadda, assalnimadda, illowga, qaska, kalinimadda, ku meel gaadhka, dadnimo-la’aanta, ixtiraam-la’aanta, hubsasho-la’aanta, hami-la’aanta, kala-noolaanshaha, korontoda, Kacdoonka, fallaagada, deg-dega, abuurida fikradaha cusub, xornimadda ruuxiga ah, go’aan qaadasho aan ku dhisnayn tallo-wadaag, soo bandhigida wax-yaabaha aan caqli-galka ahayn, aan la saadaalin karin, aan la mideyn karrin, aan laguna qanci karin, wadanoolaanshaha aadamaha iyo in dadku isku raacaan meesha kaliya oo ah mustaqbalka ay hiigsanayaan.
Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa shanta waji ee kala ah, wajiga koowaad: waxa loo eegaa dastuurka, aqoonsiga, geesinimada, deeqsinimada, hal-abuurka, sharafta, barwaaqo, hamiga,himiladda, koboca, awoodaha, qoyska boqortooyada, boqoradda, carruurta, lacagta birta ah, maroorsiga, tamarta, xogta wararka, aabonimada, diirranaan, gubashada, ololka, dabka, khamaarka, kibirka, caafimaadka, maamuuska, dumarka ragooda ku kulul, qofnimada, wax-yaabaha la isku qurxiyo, nasabka fiican, wanaaga, Jacaylka, farxadda, faanka, qosolka, nolosha, iftiinka, dahabka, caannimadda, buuqa, xog la’aanta, dardaaran la’aanta, lafdhabarta, madaxa, ruuxda, xooga, libaaxa, daayeerro,
Wajiga labaad :- Furriinka, carqalada, dhul-gariirka, xagjirnimada, qaniimada, soo jiidashada, xiisaha-badan, xorriyadda, isbedelka, cadhada, fusuqa, kacdoonka, isbedel- kacdoon, hadal-heynta fowdada , waxyaabaha naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u dhaca, dhacdo uguba oo aan hore loo arag, wax-aan la saadaalin karin oo aan caadi ahayn, baadhid qotoda-dheer iyo aaladaha cusub.
Wajiga saddexaadna:- Cilmiga Beeraha, cilmiga raadraaca isirka, waayo-arragnimada, adeegga arrimaha bulshada, xasiloonida, maamulka, amarka, saldanada, dhaqanka, miinooyinka, dhimashada, caqabadaha, qirashooyinka xadeysan, wakhtiga gabal-dhaca, wixii tagay, daalka-badan, xakameynta nafta, nashqadaha, lafaha xoolaha, saanta, taariikhda, xiliga da’da aabaha, dhulka, dhulka hoostiisa, carmasha,
Wajiga Afaraadna : – hanti-wadaaga, kacdoonka, isbeddelka, dambi baadhayaasha, sirta, garashada xeelka dheer leh, miyirka,cilmi nafsiga, dembiyadda, sixirka, caadooyin sixirka, bogsashada, carqaladaha, wiiqitaanka qarsoodiga, khasabka, shakiga, dhimashada, arrimaha qotoda-dheer leh, gudcurka, tamarta nukliyeerka, dhul-gariirka, hoos u dhaca, dib-u dhalashada, dib u warshadaynta, dib u habaynta, dib u cusboonaysiinta, dib u soo noolaynta, dabiibka isku-ekaysiinta, taranka, galmada, wax-yaabaha aan laga hadli karrin, aakhirada.
Wajiga Shanaad:- safarka hawada, wax is dhaafsiga, buugaagta, qorayaasha, tifaftirayaasha, karaaniyayaasha, dhalinyarada, aftahanka, caqliga, maskaxda, taariikhda, nadaafadda, neerfaha, Neefta, seenyaalaysiga, luuqaddaha, hadalka, muxaadarooyinka, caqli-galka, ganacsiga, meerkuriga, huga, gaadiidka kumbiyuutarada, telefoonadda, teebabka, qoraalada, waraaqaha, fariimaha, xayeysiiska, goobaha waraaqaha la dhigo, dabaylaha, Wednesday,
Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa: – in la muujiyo dareen xoog badan oo dhinaca dibadaha ah, waxaanay taasi jidhka u saamaxaysa inuu dib u soo bilaabo wax cusub.
Arrimaha Gaarka ahna :- waa in aan lagu dhaqmin caadifadaha faa’iido darada ah ee had iyo jeer uu soo tabiyo damiirka dadku, xataa haddii ay leeyihiin balan-darro.
wuxuu jecel yahay: sharafka, samafalka, jagooyinka sare, dabaasha, maalka, ifftiinka, sida, raaxada, sasabashada, caddaalada, kibirka-lab, ruwaayadaha, awood aha xukunka dowladaha.
Wuxuu neceb yahay:- xanuunka, naafada, dhaleecaynta, macno-darada, fulaynimo, mu’aamaraad, khiyaamada.
Noolahana dadka Insaanka ah:- gaar-ahaan waa kuwo ay ka buuxa isku-kalsooni awood badan, waxa ay hoggaamiyayaashu kaga ambabaxaan awooda amarka Eebe iyagoo wadankooda ixtiraamaya, u hogaansanaanta, sharciyada aan laga doodin, Kartidu waa ta innagu abuurta in aynu si joogto ah uga soo bilaabmanto sharafta iyo haybadu shaqsiga, meel kasta oo uu tagana kuma yimaado dhalan rog.
Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa : – waxay ku dadaalaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen wax-kasta oo ay ku heli-karaan amaan, isla-markaana in ay noqdaan kuwo caan ah amaba in ay noqdaan hoggaamiye la illaaliyo.
Xirfadaha :- waxa lala xidhiidhiyaa; Jilayaasha, Maareeyayaasha, xirfadlayaasha sawiradda farshaxanka, dahablayaasha, muruqmaalka, tusaale ahaan, dab-damiyeyaasha….iwm.
Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay: wadnaha dhabarka iyo indhaha
Cudurada:- Dhabar xanuunka, suuxdinta, wadno xanuunka, xanuunada keena qandhada, dawakhaada iyo wareerka uurlayda .
Midabkana: Midabka liinta, huruuda iyo buluuga. Macdantana: ruby, diamond, Dhagaxaanta, birta iyo Cusbada: dahabka, luulka, magnesium iyo phosphate sodium.
Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada: Talyaaniga, Romania, Sicily, Czech Republic, Slovakia, Iraq, Lebanon, Southern France. Cities: Rome, Prague, Bombay, Madrid, Philadelphia, Chicago, Los Angeles, Bath, Bristol, Portsmouth, Syracuse, Damas.
Xayawaanka: libaaxa iyo guduudanaha,
Cuntadana: liinta, tufaax, rumaanka, cuntooyin fudud iyo in la cunno cuntooyinka faa’iidada leh ee la miiro, sida, Liinta iyo digirta
Geedaha: Timir, saytuunka, liin-macaanta, iyo kuwa leh midhaha leh, Dhirta iyo Ubax: marigolds, sunflowers, celandines, ubax hamiday. Runtana Allaa Og..
Dr. Maxamed Faarax Qoti
Astrologist