“Xilli ay Wax yari Ka Hadhsan Yihiin Afurka Ayaa Taliyuhu Telefoon Igula Soo Xidhiidhay Waxaanu Ii Sheegay In Aan Subaxa Imaado C-I-D-da….”
Ceerigaabo (Hubaal)- Wakiilka Gobolka Sanaag Ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Weriye Cabdillaahi Xuseen Darwiish ayaa looga yeedhay laanta dembi baadhista ciidanka booliska ee C-I-D-da ee ee magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Weriye Darwiish oo sidoo kale gobolkaasi uga soo warrama telefishanka Royal Tv, Wargeyska WAAHEEN iyo degelka wararka ee Oodweynenews.com ayaa sheegay in Taliyaha C.I.D-da Ceerigaabo ku wargeliyey inuu subaxnimada maalinta khamiista ee berry ee bishu tahay 10/07/2014 yimaaddo xarunta C.I.D-da ee Ceerigaabo.
“Xilli Afurada wax yari ka hadhsan yihiin ayaa waxa telefoon igulasoo xidhiidhay Taliyaha Baadhista Denbiyada G/Sanaag Xamse Cabdi Abokor wuxuna Ii sheegay in xarunta baadhista denbiyada la iga rabo sidaas awgeedna aan berri subax (Khamiista) ugu tago xafiiskiisa oo ku dhex yaalla xarunta qaybta boliiska G/Sanaag ee magaalada Ceerigaabo”. Sidaas waxa yidhi Weriye-Darwiish.
Lama oga ilaa hadda xaqiiqada dhabta ah ee ka danbaysa yeedhista weriyahan haseyeeshee waxa xusid gaar ah mudan in aanay ahayn markii koowaad ee weriyahana madaxa bannaan xaruntan baadhista iyo saldhigyada boliiska Ceerigaabo looga yeedho iyadoo dhawr jeer oo horena weriyahan xadhig loo geystey.