DAAWO+AKHRI: Khudbad Uu Guddoomiyaha Cusub Ee SONYO Ka Jeediyey Madashii Uu Hoggaanka Dalladaasi Maanta Xilkii Kagala Wareegay Guddoonkii Hore
Hargeysa (Hubaal) -Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax, ayaa Khudbad uu ka jeediyey Sabtidii Maanta Munaasibad lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu xilka kagala wareegay Guddoomiyihii hore ee Dalladdaas, kaga warramay waxyaabaha ay Hoggaanka cusub ee SONYO wax ka qaban doonaan ee la xidhiidha horumarka dhalinyarada.
Waxa uu Guddoomiyaha xilka la wareegay ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax oo isaga iyo Golaha 8-aad ee uu ka tirsan yahay ka muddo badan yihiin 7-dii Gole ee ka horreeyey, isla markaana iyaga muddo hal sano ah loo gartay in laga dhigo muddo-xileedkooda oo laga dhigo saddex sannadood, halka uu markii hore labada ka ahaan jiray, waxa uu ballan-qaaday inuu 3-daa sano wax badan ka qaban doono baahiyaha Dhalinyarada Somaliland, isla markaana horumar iyo is-beddel ku samayn doonaan isla-xisaabtanka SONYO gudeheeda ah.
“Waxaan salaamayaa golihii hore ee aan ka tirsanaa ee toddobaad, waxaan soo dhawaynayaa Golaha aan ka midka ahay ee 8-aad ee SONYO, waxaan u mahad-naqayaa Odayaasha SONYO ee Mustambeedka, Guddoomiyeyaashii hore, Agaasimayaashii hore iyo Dadka daneeya SONYO inay hore u socoto. Badanaa waxa la yidhaahdaa maxay hore ugu dhaafi waayeen? Anigu waxaan idhaahdaa kuwa yar yar iyo kuwa soo socda ayey soo dhawaynayaan ee kama aha inay isku dhejinayaan SONYO.” Sidaa ayu yidhi Cabdicasiis oo ugu horreyn Mahad-naq iyo salaam u gudbiyey Xubnihii u kala dambeeyey Golayaasha hoggaaminta SONYO iyo Dadka ay Dalladdu Maskaxdooda ku socoto ee Musdambeedka ah-ba.
Cabdicasiis Siciid Saalax, waxa uu si gaar ah u bogaadiyey Musharrixii jagada Guddoomiyaha SONYO kula tartamay 28-kii December 2016-kii, waxaanu yidhi; “Waxaan salaamayaa Saaxiibkay Cabdicasiis Xirsi Warsame, laba jeer baan u mahad-naqayaa oo mar waxa uu ahaa Kaambaynar halis ah (ololeeye adag) oo habeennada qaarkood aan ka seexan kari waynay (ololihiisa), casharkaa uu I baray ee ololaha adag waan ugu mahad-naqayaa. mar labaadna waxaan ugu mahad-naqayaa waxaa la yidhi; ‘Geesinnimadu waa laba’ mar hadduu Saaxiibkay guushii ii haneeyey, iiga tanaasulay, waxa la yidhi; ‘Xaashee Nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab’ runtii libin igamuu xistiyine si wanaagsan oo qurux badan ayuu iigu haneeyey, iigu garab-istaagay, taasina waa wanaag iyo sharaf aan u hayo, inaan si dhaw oo daacad ah u wada shaqayno, ayaan rejaynayaa.”
Guddoomiyaha SONYO waxa uu talooyin u soo jeediyey Bulshada Somaliland, gaar ahaan Xisbiyada Siyaasadda oo uu Tusaalooyin fiican u soo qaatay, waxaanu yidhi; “Qaran baynu nahay, ummad jirta ayeynu nahay, 25 sano ayeynu soo soconnay, wada-jir baynu ku guulaysanaynaa, wada-jir baynu hore ugu mari karnaa, Qarankanina waxa uu hore ugu marayaa in la wada-jiro. Aasaaskii hore ee Somaliland iyo Raggii Seeska soo dhigay wada-jirkeeda way ka soo shaqeeyeen, inta soo socotaana inay sii wadaan oo ay hore u mariyaan waa danta Qaranka.”
“Maaddaama oo aynu wakhti olole ku jirno waxaa loo baahan yahay inaynu innaga oo wada-jir ah wada guulaysanno, waayo? Haddaynu wada guul-darraysanno Qarankan dhaawac wayn baa soo gaadhaya, guushu waa in si fiican loo tartamo, isla markaana guusha la isu haneeyo. Labadaa qodob Annaga oo SONYO ah dhawr jeer waannu idiin faannayoo 8-daa sano ee aannu tartamayno ee isu dhiibayno in badan baa halkan laga sheegay. Waxa iyaduna tusaale kale innoogu filan Madaxweyne Axmed-Siilaanyo 80 Cod buu kaga tegay. Daahir Rayaalena tusaale kale ayuu innooga tegayoo isaga oo Xisbil-xaakim ah ayuu Xisbi Mucaarad ah si salmi ah ugu wareejiyey, labadaasiba waa aasaasayaashii Qarankani waa tusaalayaasha ay innooga tageen ee u baahan inaynu halkaa ka sii wadno.” Sidaa ayuu yidhi Cabdicasiis Siciid Saalax.
Waxa uu Guddoomiyaha SONYO oo sharraxaya waxyaabaha Golaha uu Hoggaamiyo ee SONYO wax ka qaban doono ee dhinaca arrimaha dhalinyarada, waxa uu yidhi; “SONYO inta aan joogo inkastoo muddada la igu badiyey oo aanan filayn oo laba sano uun anigu ka fikirayey, haddana saddexda sano ee aan joogo, waxaannu isku dayi doonnaa horumar qorshaysan oo lagaga baxo baahiyaha taagan ee dhalinyarada reer Somaliland ee Shaqo la’aan leh, ee tayo-darrada adeegyada la siiyo dhalinyarada, hadday tahay kuwa waxbarashada, hadday tahay kuwa caafimaadka iyo hadday tahay kuwa kale ee ay u baahan yihiin-ba, in qorshe sugan loo sameeyo oo si dhaw loola shaqeeyo cid kasta oo danaysa Dhalinyarada oo ay hoggaaminayso Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.”
“Inaan kor u qaado dhalinyarada reer SONYO iyo Bahwaynta dhalinyarada reer Somaliland wax wada-lahaanshohooda, wada-jirkooda, wax wada-qabsigooda, hal-abuurkooda iyo xirfaddooda-ba inaannu kor u qaadno ayaannu ballan-qaadaynaa. In dhalinyaradu si mug leh uga qayb-qaadato Siyaasadda oo aanay sidii Guddoomiye Faysal sheegay noqonne, Dhalinyarada ka wax-qabtay, naftiisa horumariyey ee mushtamaca wax ku celiyey fursad loo siiyo inuu sii horumariyo, hankoodana ay helaan si ay u Ummaddooda wax ugu sii qabtaan, taana dhalinyarada hanka leh ee wax qabatay waannu isku garab-taagi doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdicasiis.
Guddoomiyaha SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax oo sii watay hadalkiisa, waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday oo yidhi; “Muddada saddexda sano ah ee aannu hayno xilka, waxaannu xoojin doonnaa isla-xisaabtanka SONYO gudeheeda iyo adeegyada dhalinyarada loo qabto inaannu eegno sidii loogu talogalay in loo qabtay oo loo hagar-baxay. Annaga oo SONYO hoggaaminayna Golahayaguna waxaannu ballan-qaadaynaa inaannu isla-xisaabtanka, tayada iyo sinnaanta inaannu horumarinno oo wax-ka-beddel ku samayno, taasna waannu ballan-qaadaynaa oo markii aan ololaha ku jiray waan sheegay. Sanduuqa dhalinyarada Somaliland isagana inaannu hirgelinno muddadaas oo uu noqdo mid ka jawaaba baahiyaha dhalinyarada reer Somaliland Golahayagu wuu garab-istaagi doonaa, wuu ka hawlgeli doonaa, cid kasta oo arrinkaasi nala galena waannu ka deba-geli doonnaa haddii Illaahay ka dhigo.”