DAAWO: Cabdi Good oo Su’aallo Uu Hor-dhigay Jilleyaasha Sooraan Iyo Jawaan Kala Kulmay Jawaabo Mutaxan Oo Duraya Barnaamijkiisa Abla-ableynta Af-soomaaliga+Yuusuf Shaacir Oo Isu Daayay
“Abwaaniintaas hore ee Xasan-ganey iyo Hadraawi, Horta Nimanka ay Boobeen Annagay Ahaayeen [Waayo] Waxba noomay reebin, Annagu Xaabxaab ayaanu sii wadnaa oo waa ururis ee Cabdiyoow haddaad doonayso wixii [suugaantii] hore nimanka naga boobay weeye”. Sidaas waxaa yidhi Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ka jawaabayay Su’aal uu Weriye Suugaan dhaadhi Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Cabdi Good) si wada jir ah u weydiiyey isaga [sooraan] iyo saaxiibkiisa ay mataanka ku yihiin dhinaca jilista ee Ciise Cabdi Jaamac (Jawaan), kuwaas oo waraysi wada jir ah ku siiyey magaallada Hargeysa.
WAraysigan oo aad u xiiso badan isla markaana hordhiciisa lagu baahiyey degelka muuqaallada ee Youtube-ka oo HUBAAL Media soo xigtay waxaa sidoo kale uu Weriye Cabdi Good wax kaga weydiiyey labadan majaajileyste arrimo xiiso leh oo ay ka mid yihiin goortii ay saaxiibeen, halkii ay isku barteen, xidhiidhkoodu nooca uu yahay, saamaynta ay labadooda dabeecadood ku yeelatay wada jirkooda iyo jilista maadaysyada ay bulshada u soo bandhigaan. Haddaba, Waraysigan oo qaab googoos ah u dhigan ayaa su’aalaha qaarkood aanay la socon jawaabahooda oo waa laga gooyayay qaybtan iyada oo dib loogu dhigay qaybo dembe oo soo socda.
Haddaba, Muuqaalka waraysigan oo dhamaystiran halkan ka daawo.
Fiiro Gaar Ah: Saddexdan Is Warayssanaya Waxaa Fadhiga Ku Wehelinaya oo isagu aamusnaan ku astaysan Abwaan Yuusuf Shaacir