4 Bilood iyo Badh- Kadib Xaalada Dhabta ah ee Suldaan Wabarka Duurka Galay, Wax Garadka iyo Siyaasiinta Gobolka Awdal oo Dhabarka Ujeediyay + Akhriso Xog Dhab ah‏

0
23

Xaalada Caafimaad Daro ee Wabar iyo ta Nolol Xumo ee Haysata-

Waxa  laga Darinaya Xaalada Caafimaad  iyo Mida Nolaleed ee Suldaan Wabar  iyo Tiro yar oo Maleeshiyo  ah  oo kula Dhuumaalaysanaya Buuralayda Udhaxaysa  Gobolka Awdal  Xuduudka uu Laleey Waddanka Itoobiya, Suldaan Wabar ayaa Hada Mudo Lago Jooga  4 Bilood  iyo Badh Kahor Kudhawaaqay in uu Kagoostay Somaliland Isla Markaan  uu Maamul Madax Banaan oo Hoosta Xukuumada Taagta Daran ee Xamar Kadhisayo Gobolka Awdal,  Suldaanka ayaa Waxa Wakhtigaas Lug,gooyay Qurbo Joog Qiiraysan iyo Kooxo Mansab Siyaasiya Karaadinaya  Muqdisho  Waxana Balan Qaadkii  Afka Barkiisa ahaa Kamid ahaa  in Xukuumada Muqdisho Bixin Doonto Malaayiin Doolar oo Lagu Taageero Wabar  iyo Maleeshiyaadkii , Sidoo kalana Waxa  Loo Baan Qaaday in ay Gudaha Gobolka Kaga Soobiirayaan  Siyaasiin Miisaan Culus  leh  iyo Waliba Madax Dhaqameed Tiro Badan.

wabarBalan Qaadkan ayaa Jarkatuuray  Suldaan Wabar oo Kamid  haa Dadka Qurbo Kusaaqidka  looga Yaqaan Somaliland ee Sannado Badan Kadib Dalka Dib ugu Soolaabta iyaga oo aan Wax Hantiya Kasootaransan Qurbaha, Waxana  Wabar   uu Sifudud  ugu Dhacay Shirqool  ay Shaqsiyaad Xamar Joogaa Ku Magac Doonanayeen Balse aan Isaga  iyo Bulshada Gobolka Awdal midna  aan Wax Faa,ido ah  ulahayn.

 Hadaba Warar  Xaqiiqo ah oo ay Heshay Sh. Somalilandlive.com ayaa Kadayriyay Xaalad Caafimaad  ee  wabar  iyo Mida Nolaleed ee Tiro yar oo Maleeshiyaad  ah oo Duurka  kula Dhuumaalaysanaya   Wabar, Kadib Markii ay Soo  Wajahday Gadoon  Dhaqaale  iyo Mid Cunta Xumo   iyaga  oo  aan Wax Taageero  ah Kahelin Gudaha  iyo Debebada Toona Waxan ay Gadoon   kanoqdeen Tuulooyinka Gobolka Kuyaalay oo ay Hore  uga miisan Jireen Cuntooyin Yaryar Wakhtiyada Danbe ee Habeenkii Balse Waxa  ay Taas  Ishortaagay Bulshada Gobolka  kunool  kadib Markii Badhasaabbka Cusub ee Gobolka Awdal. Mr Ramaax uu    u Balan Qaaday Dadka  Deegaanka Lagaco Tiro Badan Qofkii Soo Sheega Meelaha  ay Kudhuumaalaysanayaa   iyo Tuulooyinka ay Cuntada Ka iibsadaan, Waxana ay Tani Keentay Baqdin ay Maleeshiyada Tirada Yar  ee  Wabar ay Kaqaadaan   Dadka  iyo Tuuloyinka ay Hore  Habeenkii iman jireen, taas oo baday xaalad  cunto  xumo  oo aad  udaran halka  Caafimaad  Suldaan Wabarna   Aad Looga Darinayo Kadib Markii uu Waayay Kiniino uu Ucuni Jiray Xanuuno  uu Qabo oo Qaarkood lagu Shegay( Dhiigkar . iyo   Macaan) Waxa Xogo Wareedyadu Usheegeen Sh.Somalilandlive.com In Tiroba Dhawr Jeer Lagu Qabtay DHexda Dawooyin Dhanka Jabuuti Looga Keenay Suldaan Wabar,

Amuurahan Iskaashaday  ee  Dhaqaale Xumo  iyo Xanuunka Wabar  ayaa Aad  U Nusqaamiyay   Dhaqdhaqaaqa  Maleeshiyada Wabar Waxa Sidoo kale aanu Wax Dhaqaale ah Kahelin Meelihii Hore Looga     Hiyi Kiciyay Wabar,

Isku Sowada Duub oo Xaalada Suldaan Wabar  iyo Koox Tiro Yar oo Lajoogta ayaa  Noloshooda aad Looga Dayrinayaa

Somalilandlive.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here