DAAWO SAWIRRADA+VIDEO: Hay’adda Wadaniga ah ee EAHRW ayaa Hargaysa kusoo dhaweysay Halgamaaga reer Maraykan ee caanka ku ah Xuquuqda Aadamaha Dr. Joe Beasley

0
235

Somaliland: Hay’adda Wadaniga ah ee  EAHRW ayaa  Hargaysa kusoo dhaweysay Halgamaaga  reer Maraykan ee caanka ku ah   Xuquuqda Aadamaha Dr. Joe Beasley

Hargeysa (Hubaal)-  Haayada wadaniga ah ee magaceedu yahay East Africa Humanitarian Welfare oo loo soo gaabiyo EAHRW ayaa jimcihii ina dhaafay magaalada Hargaysa ku qaabishay halgamaaga caanka ee xuquuqda aadamaha Dr. Joe Beasley oo ka wakiil ah Haayada Magaceedu yahay Joe Beasley Foundation oo uu isagu ka aasaasay dalka maraykanka. Dr. Joe Beasley wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii xuquuqda dadka madow uga doodi jiray dalka Maraykanka (Civil right activist), isagoo halganadaasi ay soo wada galeen halgamayaasha dunida caanka ah sida Dr. Martin Luther King, MalcomX iyo rag badan oo kale.  Intaa kumuu eekayn ee waxa uu ka qaybgalay halgano xuquuqda dadka madow la raadinayo sida Qaarada Africa oo uu dhowr wadan tagay, qaarada Latin America IWM, Joe howlahan bini’aadamnimo wuxuu kusoo dhex jiray muddo 60 sanadood ah.

Safarkan Dr. Joe uu Somaliland ku yimid waxa suuro galisay Haayda wadaniga ah ee EAHRW oo xidhiidh dhow la leh Haayada Joe Beasley Foundation, Agaasimaha Fulinta ee Haayada EAHRW Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan ayaa ugu horayn ka war bixiyey ujeedada safarkan, wuxuuna yidhi:  mudada uu Somaliland joogo wuxuu ugu horayn la kulmi doonaa Madaxweynaha Somaliland & Marwadiisa, Madaxweyne ku xigeenka & xubno ka mid ah Wasaaradaha khuseeya howlaha Biyaha, Caafimaadka & Xaalufka deegaanka & abaaraha IWM, kadibna wuxuu indho-indhaynayaa xaalada nololeed ee bulshada, wuxuuna dunida u badhigayaa dhibaatooyinka baaxada leh ee abaaruhu dadka & duunyadaba gaadhsiiyeen, gaar ahaan wuxuu dadaal badan u gali doonaa sidii xal loogu heli lahaa biyo yaraanta ka jirta Caasimada Somaliland ee Hargaysa, taasoo bulshada ku nool 70% aanay helin biyo ku filan oo nadiif ah, sidoo kale mudada uu joogo wuxuu ka dhagax dhigi doonaa Cusbital Weyn oo lagu daaweyn doono Xanuunka Cancer oo magaalda Hargaysa laga hirgalin doono, iyadoo isaga & Haayadiisuba dadaal & olole balaadhan u gali doona sidii Somaliland looga hirgalin lahaa cusbitaalkaasi si loo xakameeyo fidintaanka cudurkan Cancer-ka oo bulshada faro-baas ku haya.

vlcsnap-2017-04-22-20h11m06s104

vlcsnap-2017-04-22-20h11m11s153

vlcsnap-2017-04-22-20h11m20s0

vlcsnap-2017-04-22-20h11m32s0

vlcsnap-2017-04-22-20h11m57s0

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here