Qorshe Uu Maayarka Berberi Ku Inqilaabay Xoghayihii Fulinta Ee Dawladda Hoose & Mas’uul Dhego-nugul Oo Saxeexii Lagu Wareejiyey
Akhri+DAAWO+Ka Bogo: Nuxurka Dhukumentiyo Ay Warbaahintu Heshay Oo Fashiliyey Inqilaab Lagula Wareegay Saxeexii Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera + Magaca Masuulka Uu Maayarka Maayarka Berberi U Wakiishay Shaqadii Xoghayaha Iyo Saxeexiisiiba
Berbera (Hubaal) – Tan iyo markii uu xilka la wareegay xoghyaha Dawlada Hoose ee berbera Cabdikariim Aadan Cadde waxa Jahawareer ku dhacay hanaankii shaqada ee waaxyaha kala duwan ee Dawalada hoose ee Berbera taasi oo ah masuuliyada xoghayaha, hasa yeeshee taasi bedelkeeda waxa shaqadaasi caadiyan u wada Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi Saxeexa Warqadaha dhulka iyo Foojarada Lacagaha lagu Qaato,
In ka badan 100 Fayl ayuu saxeexay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada oo aan awood sharci u lahayn inuu saxeexo go’aano dhul bixin iyo jeegag lacageed. Kuwaasi oo aanu awood sharci u lahayn hasa yeeshe fursada dayaca iyo aqoon la`aanta haysata xoghayaha Dawlada hoose ayaa keentay in sidaasi la yeelo
Maadama oo Cabdikariim Aadan Cadde ahaa nin aan aqoon badan u lahayn maamulka dawladaha hoose ama nidaamka dawladnimo waxa uu dhakafaar iyo madax xanuun badan ka qaaday shaqada caadiga ah ee maalinlaha ah taasi oo ahayd tii loo igmaday hasa yeeshee si uu uga dhuunto hawshaasi baaxada leh waxa qalinkiisa iyo saxeexiisa ku shaqaysta Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi oo ah nin ay aad isugu dhow yihiin Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin.
Dawlada Hoose ee Berbera oo noqotay xarunta Musuq maasuqa waxa nidaam ahaan ay u samaysnayd in ay is dheeli tiraan dawlada Hoose iyo Dawlada Dhexe oo warqad kasta ay wada saxeexaan Maayarka iyo wakiilka dawlada Dhexe oo ah Xoghayaha Fulinta, hasa yeeshee taasi meesha way ka baxday tan iyo intii uu xafiiska Joogay Cabdikariim Aadan Cadde, waxana fududaatay in si dhib yar warqadaha dawlada hoose maayarku ku filnaado isaga oo qaybtii Dawladii dhexena (Xoghayaha Fulinta) ka saxeexa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi
Sida ku cad xeerka ismaamulka degmooyinka iyo Gobolada Xeer NO.23 ma jirto in qof aan ahayn wakiilka dawlada dhexe u jooga Magaalooyinku saxeexo Bixinta Dhulka hasa yeeshee sida ku cad qoraalo ay saxaafadu heshay dhul badan oo uu shirkado gaar ah u samaystay Maayarka Berbera waxa halkii xoghayaha saxeexay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi oo iska dhigaaya in uu yahay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose,
Cabdikariim Aadan Cadde shirkadaha uu gaarka u leeyahay Maayarka Berbera waxba kama oga, mararka qaarkoodna waxa loo soo tuuraa xoogaa shaaha oo lagu yidhaa Ganacsade Hebel ayaanu ka iibinay dhul ee intaas qaado.
Mararka qaarkood waxa dhacda in Telefoon looga sheego warqad ayaanu saxeexnaye la soco, taasi oo nusqaan ku ah milgaha dawladnimo ee Somaliland in wakiilka dawlada dhexe u jooga Berbera sidaasi sameeyo.
Sida ku cad warqadan shirkada Madar Multi service waxa iska leh Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin waxana lagu dhacay Dhul cabirkiisu yahay 300X300M kuna yaala Zone BBA.
Warqada lagu bixiyay dhulkaasi waxa saxeexay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi mana jirto sharci u fasaxaaya in uu Agaasime waaxeed saxeexi karo bixin dhul, hasa yeeshe waxa uu fursada ka helay aqoon darada haysata Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera, waxanu fudaydiyaa hawl kasta oo uu u baahdo Maayarka Berbera Cabdishakur Cidin
HOOS KA DAAWO SAWIRADA WARQADAHA AANU SAXEEXIN XOGHAYAHA DAWLADA HOOSE BERBERA EE ISAGOO XAFIISKA KU SUGAN LAGU DUL SAXEEXAY