HUBAAL TV: “Waxa Jiray Waraysiyo Aanu Bixinay Oo Jawaabo Qaldani Kasoo Noqdeen, Xiddigaha Geeskuna Waa Koox…” Abwaan Xasan Dhuxul Oo Ka Hadlay Barnaamijyo Ay U duubeen SNTV & UNIVERSAL Oo Wax Ka Soo Noqdeen
Hargeysa (Hubaal)- Kooxda fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa maanta raali-gelin ka bixiyay waraysiyo ay siiyeen Laba Telefishan oo laga leeyahay Soomaaliya oo turjumaad taban laga bixiyay, waxaanay sheegeen inaanay ahayn kuwo qaranimadooda wax ku bedalanaya.
Sidaasna waxay ku sheegeen kooxdani shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha kooxda xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) iyo C/Risaaq Xaamud Jibriil (Jaylaani) waxaanay ku doodeen inay waddaniyiin yihiin isla markaana ay si horseed ka yihiin dhiirigelinta Somaliland-nimadda iyo sidii bulshadda loogu guubaabin lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo wax-wada qabsigaba. Guddoomiyaha Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul oo Arrimahaas ka hadlayana waxa Hadalkiisi ka mid ahaa
“Waxa Jiray Waraysiyo aanu Bixinay Oo Jawaabo Qaldani kasoo Noqdeen, Waxaanan Cadaynayaa Marka koowaad Cid kasta oo dhibsatay, kooxda xiddigaha geeskuna waa koox ku dhaata oo u dhashay dalkan Somaliland, Mar kasta waxaanu ku faannaa oo aanu ku faraxsanahya inaanu fanka Hooyada Hargeysa Kor u qaadno, waxaanu soo dhawaynayaa cid kasta oo fankayaga ku hirata ee ay dareenkooda io dhegehooda noo siiyaan.