Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Oo Ku Dhintay Qaraxa Muqdisho Ka Dhacay
Muqdisho (Hubaal) – Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gelinkii hore ee maanta, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta. Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay bar kontorool oo ku dhow agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo xaruntii hore ee Baarlamaan ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Qaraxa oo xooganaa ayaa waxa ku Geeriyooday shan Ruux sida la xaqiijiyey, waxaana ku dhaawacmay Tiro kale oo Dad ah. Dadka ku Geeriyooday Qaraxan waxa ka mid ah Haweenay ka mid ahayd Ciidammada xoogga Dalka Soomaaliya oo Magaceedu ahaa Faadumo Cali Raage.Dadka dhaawacmay waxa ku jira Xildhibaan ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo lagu Magacaabo Nuur Shabeel, waxa kale oo dhibaato Qaraxan ka soo gaadhay Dad degan Xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ku dhow halka Qaraxu ka dhacay. Qaraxan oo ay Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab ayaa waxa Cambaareeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
Geesta kale, waxa Dadka ku dhintay qaraxaasi ku jiray Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Soomaaliya ka soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Wasiirka Daryeelka Naafaa iyo Agoonta.
Sidaana waxa xaqiijiyey Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dhambaal Tacsi u diray Ehelada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumkaasi.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa dhambaalkiisa Tacsida ku sheegay sheegay “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta innaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Tacsi taasi la mid ah u diray Ehelka iyo Shacabka uu ka baxay Marxuum Faahiye oo ka mid ahaa Dadkii ku dhintay Qaraxa Maanta ka dhacay Duleedka Xabsiga Godka Jillacow ee Magaalada Muqdisho.
Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale.
Marxuumka ayaa ka soo jeeday Gobolka Awdal ee Somaliland.