HUBAAL KA AKHRI: Dukumentiyo Sir Ah Oo Wileleak’s Ku Fashiliyay Sababta Yuhuuddu u Duqaynayso Qasa

0
53

Wikeleak’s oo soo bandhigtay Emaillo ay isku dareen safaaradda Maraykanka ee ku taalla Talabiib iyo dawladda Isra’iil.

 

Qaza (Hubaal-W/wararka) – Shabakadda caanka ah ee siraha aduunka khasifta ayaa soo bandhigay dokomantiyo ay ku sheegayso danta ay ka leedahay Yuhuuddu inay duqeeyaan Qasa, iyadoo soo saartay danno badan oo ay Isra’iil ka leedahay.

Danahan ayaa shabakadu u kala qaybisay dhawr qaybood oo ay ugu horeysay xaga dhaqaalaha oo ay Yuhuuddu rabeen inay ka joojiyaan laba Baan oo ay dadka Qasa iyo Xamaas macmiil la lahaayeen.

Haddi aynu ku horeyno xaga dhaqaalaha iyo ujeedada ay ka leehayad inay joojiyaan baanankii ay la macaamiili jireen reer Qaza.

Shabakaddu waxay cinwaan uga dhigtay  Qorshaha dhaqaalle ( Demarche Request)

Warbixintan uu Wikilieak’s soo bandhigay waxa uu ku bilaabay sidan “Shabakada Wikileak’s ayaa sii daysay documentiyo sir ah oo ka hadlaya qorshaha ay Yuhuuddu ka leeyihiin curyaaminta dhaqaalaha Qasa ee dalka Falastiin.

Waxana dokumentiyada ay shabakada WikiLeaks’s ay heshay ku taarikhsanaayeen sanadkii 2008 bishii 10aad, waxana ay cadeynaysaa qorshaha  ay dowlada Yuhuudda ka damacsan tahay si loo cidhib tiro maamulka Xamaas oo gacanta ku haya Degmadda Qaza oo doorashaddii 2005 ee golayaasha Baarlaamanka Falastiin ay shacabka degmada Qaza u codeyeen in kasta oo doorashadaas natiijadii ka soo baxday ay diideen qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka  oo ay hormood u tahay dawladda Maraykanka oo ururka Xamaas ku tilmaamay urur Argagixiso.

 Dokoomentiyadan ay heshay shabakada Wikileak’s ciwaankeedu ahaa Demarshe Request ayaa lagu sheegay qorshe siyaasadeed oo dhaqaalaha Falastiin hoos loogu dhigayo, isla markaana loo kaantaroolayo noloshooda maadaama oo ay macmiil la leeyihiin laba Baan oo kaliya.

Wikileak's Logo Labada bangi ee Banks Hapoalim iyo Israel Discount ayaa dawladda Yuhuudu culays ku saartay inay joojiyaan macaamilka ay la leeyihiin Falastin. Waxana nuqul ka mid ah dokumentiyadu shabakadu soo dhig u dhignaa sidan: “Bank Hapoalim iyo reer binu Israa’iil Discount Bank (IDB) ayaa lagu tilmaamay in ay qorshaynayaan in ay joojiyaan  xidhiidhkii adeegyadda bangiyada ee Gaza. Washington ayaa ka warwarsan in tallaabada qorshaysan ay labada bangi ee u adeega dadweynaha Qasa saamayn ku yeelan karto noloshooda iyo dhaqaalahoodda haddii la xanibo, waxaanay ku sababeeyeen haddii la burburiyo labadan binki inay reer Qasa bilaabi doonaan suuq madow iyo xidhiidho hoose oo kale oo ay meelo kale ka hesho. Waxana ay daciifineysa dhaqaalaha  Falastiiniyiinta oo ay ka mid tahay Hay’ad xasaasi ah oo rajo dawladeed mustaqbalka ka danaynaysa ay ka faa’iidaysan doonto ururka Xamaas, sidaa darteed waa in aanu culays saarnaa xal laga gaadho ka hor inta aanu bangiga Hapoalim istaajin shaqaddii uu u hayey Reer Qasa iyo ku xidhnaantii ay ku xidhnaayeen si aanay cid kale uga faa’iidaysan ayaa lagu yidhi dokomantigaasi ay safaaradda Maraykanku u dirtay Isra’il.”

Maraykanka ayaa la sheegay inuu rabo in labadan Banka ee Israa’iil laga leeyahay la socdaan heerka nolosha Falastiin, isla mrkaana ka ogaadaan heerarka reer Qasa iyo xidhiidhka ay cid kale la yeelan lahaayeen, waxaanay Maraykanku dawladda Yuhuudda kula taliyeen in aanay jarin xidhiidhka labadan Banki qasa la leeyihiin.

Waxayna dawladda Maraykanku sheegtay in haddii bangiyadaas la joojiyey ay halis ku noqonayso amniga Isra’il taas oo imika u muuqata inay dhabowday waxyaalihii ay ka dardaar warinayeen Maraykanku.

Warkan Waxa Aanu Ka soo Xiganay Caddadkii Maanta ee Wargeyska MAdaxa Banaan Ee SAXAFI

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here