700 Oo Arday Oo U Maanta U Fadhiistay Imtixaanka Maxadka Tabobarka Shaqaalaha Dawladda

0
20

Hargeysa (Hubaal) – Maxadka tabobarka shaqaalaha dawladda ee Somaliland ayaa imtixaan ka qaaday 700 oo arday oo sannadkan bilaabi doona kulliyadaha kala duwan ee uu bixiyo maxadkaasi. Agaasimaha fulinta ee maxadka shaqaalaha dawladda ee Somaliland Iid Cumar Qulumbi iyo agaasime ku xigeenka maxadka shaqaalaha dawladda Mustafe Axmed Maxamuud ayaa sheegay in ardayda ay u rajaynayaan guul iyo inay natiijo wacan ay ka keenaan imtixaanka, waxaana uu sheegay in ardaydani ay qayb ka noqon doonaan ardayda sannad dugsiyeedka 2021 illaa 2022.  Waxaanaa ay ugu baaqeen ardayda fadhiisatay imtixaankan inaanay niyad jabin haddii ay waayaan sannad dugsiyeedkan isla markaana ardayda soo bixi weydaa ay soo xaraystaan jaamacadda sannadka dambe.

Geesta kale, waxay ugu baaqeen ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanka inay u hoggaansamaan sharuucda iyo xeerarka kala duwan ee u yaalla maxad tabobarka shaqaalaha dawladda, iyagoo xusay in ardayda ka qayb gashay imtixaanka lagu soo galayo maxadku ay dhan yihiin 700 arday, isla markaana ay inta gudubta oo qudhi ay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda bilaabi karaan.

 

Gebogebadii, waxa ay sheegeen inay u rajaynayan guul ardayda oo dhan isla markaana ay ku dhiirrigelinayaan ardayda inaanay marna ka daalin hayaanka dheer ee waxbarashadu ay leedahay, iyagoo ugu duceeyay inuu alle u dhib yareeyo.

 

Geesta kale, Jaamacadda Qaranka ee Hargeysa ayaa maanta iyadna Imtixaan ka qaadday 1,980 arday, kuwaasoo sannadkan waxbarashada heerka koobaad ka bilaabi doona kulliyadaha kala duwa ee jaamacaddaasi.

 

Diiwaan hayaha jaamacadda Hargeysa Mustafe Suudi, Madaxa xafiiska imtixaanaadka Jaamacadda Cabdirashiid Gaaxnuug iyo Axmed Goolcadde oo ka tirsan mas’uuliyiinta sar sare ee Jaamacadda ayaa sheegay in ardaydani ay yihiin ardaydii sannadkan dugsiyada sare ee dalkaka baxay, waxaana ay sheegeen in kun iyo 35 ka mid ahi ay ahaayeen hablo halka sagaalka boqol ee kalena ay ahaayeen innamo, iyagoo sheegay in hablaha sannadkan jaamcadda soo galay ay aad u badnaayeen, kuwaasoo kala geli doonna soona xeraystay 11 kulliyadood ee ay jaamacaddu bixiso.

 

Mas’uuliyiinta jaamacaddu waxay intaas ku dareen in ardayda maanta jaamacadda u fadhiisnaya ay yihiin qaar lasoo hubiyay isla markaana ay wada sitaan shahaadadii dugsiga sare, waxaana ay tilmaameen in ardayda aan kusoo bixin imtixaankani aanay geli doonin Jaamacadda oo ardayada guuleysata oo keliya ay qaadan doonaan.

 

Gebogebadii, waxa ay sheegeen in guul ay u wada rajaynayaan dhammaan ardayda saaka u fadhiisatay imtixaanka, iyagoo ugu baaqay ardayda kale ee aan guuleyan inaanay quusan isla markaana ay soo xaraystaan jaamacadda sannadka dambe.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here