‘Qofka – hoobaantii nolosha, maankeedii garashada dheeraa, wadnaheedii lahashada badnaa, dareenkeedii fannaanka ahaa, adkaysi iyo dulqaadkii aan xadka lahayn. Qofku kolka guntiisa loo dhaadhaco, ma aha lahasho indha la’ oo gubaysa oo in la raalli geliyo bad iyo buuraba laysaga xooro; ma aha shahwad laga ledi waayo. Caynkaas iyo wax u dhow toonna ma aha. Wuxuu yahay, uurka iyo gunta ka yahay, garasho xeel dheer oo abuur iyo cusboonayn leh, caraf iyo reexaan leh oo ku dheehan nolosha. Waa taariikh hore u socota, waa hawl iyo damaq, waa baadidoon aan kala go’ lahayn; kol uu ku hugoobo iyo kol uu haleelo; mar uu kufo iyo kol uu kaco. Waa ugboonayn joogto ah’. (Saalax Jaamac ‘76).
Badda iyo dhulka is-haleelay, isku raftay oo isku riiqmay waxaa ka dhashay san-ku-neefle aan tiradiisa lasoo koobi karayn oo kala maan ah, kala midab ah, kala muuqaal ah si walba u kala abuur iyo tastuur duwan. Tan keliya ay ka wada siman yihiin waxay tahay isku sii -dhejinta nolosha. Hase yeeshee qaar badan baa suulay oo adduunka wejigiisa ka tirtirmay. Mana aha sida la moodi karo intii ugu itaal iyo jimir yarayd inta dabar go’day, ee waxaa ka tirsanaa oo tilmaan innoogu filan DINASOORKA xagga joogga, qarada, iyo lixaadka boqol maroodi bara-dheeraynayey. Isku soo wada qaad noolahaas soo kordhay ee ifka yimi.. Mid baa ku jirey aan xilligaas waxba cayayaanka ka duwanayn.. cidina is oran marbuu maqaam yeelan doonaa – Qofka.
Qofku wuxuu ku indha-furay noolaha jiraa siduu isu cunayo, isu gumaadayo, isu dabargoynayo. Malyuun sano ayuu ku fooganaa halgan qaraar suu jiritaankiisa u badbaadiyo. Tabo iyo xeelado cusub ayuu bartay..aqoon iyo waaya-arag ballaaran ayaa u kordhay. Ummanihii adduunka ku weheliyey ayuu ka soocmay.. ka gacan sarreeyey. Xawayaankii ayuu kasoo jeestey.. ka cabsi baxay oo u kuur galay inu dantiisa iyo noloshiisa u muquuniyo. Maroodigii, awrkii, dibigii, iyo dameerkii ayuu lugaha ka dabray, hoggaan qoolka u suray oo hayin ka dhigay. Libaaxii, shabeelkii, jeertii, iyo wiyishii wax is-bidayey ayuu xeryo u samaystay. Daayeerkii, fardihii, koobradii, kalluunkii (doolfinka), haadkii ayuu muusig u tumay oo cayaarsiiyey, dhammaantood loo daawasha tagaa oo hawl-maalmeedka lurteeda lagaga yara nastaa.
Hirdanka ugu ba’ani goobuhuu ka socdey ee dhulka iyo baddu isku haleelayeen ayaa qofku soo degey; daaro iyo dekedo ka samaystay.. magaalooyin quruxdooda lagu ashqaraarayo ka taagey qoorigooda. Xeebta ciiddeedii ka yeelay goobo lagu nafaxaado.. loo dalxiis tago oo ka qaalisan dahabka cas.
Daruurihii sida buuraha cirka is-tuulyey ee beri beryaha ka mid ah roobabkoodu qofka cabsi ku ridi jireen uu isagoo kurbanaya boholo meeshii ugu dhow nafta kula roori jirey, ayuu sida murjiska ka dhex baxay isagoo wuxuu doono usoo fuulay.. mar dayuurad, mar sayruukh, mar dayax-gacmeed.. maantana ku qalqaalo jiraa inu isagoo keligiis ah usoo bareero inu laydha guud ku leexaysto sida haadda.
Badweyntii karkaraysey, mawjadihii boodboodayey ee xunbada cad doobinayey ayuu sidii tulud rabbaysan u rartay oo u sandulleeyey.. mar uu kor maro iyo kol uu hoos u muquurtoba, hadba siduu doono aan maraakiibtiisa koob shaah ka daadin Karin si kastay mawjadeheedu is waalwaalaan. Libaax-badeedka iyo nimirigii beri khatartooda bisinka laga qabsan jirey, ayuu badweyntii ku raadsaday, raacdaystay oo ugaarsaday. Hilibkooda, saantooda, subagooda iyo barwaaqada uurkooda jiifta manaafacsaday.. hadduu doonona daawasho keliya kaga ekaaday.
Dhulkii iyo baddii uu sabanno aan yarayn gadoodkooda ka baxsan jirey, baaxaddooda u sadqayn jirey ubadkiisa uu dhalay bilcanta u qurxoon ee loogu jecel yahay suu caradooda uga magan galo ayuu maanta shey-baar la dul taagan yahay oo waxay ka kooban yihiin kala shiilayaa. Calankii boqortooyada adduunka ayuu hantay oo haleelay aan cidi ku haysan. Waa boqorka keliya ee hankiisu halkuu ku siman yahay aan la sheegi karayn.
Qofka maanta heerkaas loo jeedo soo gaarey, awoodda ka dambaysaa waxay kasoo maaxaysaa maskaxdiisa uu madax yar ku wato ee ka dhalatay aqoon iyo waaya-arag qota dheer oo qarniyaal fara badan isasoo biirsaday. Ku darsoo awooddiisa maanta marka loo eego inta weli madaxaa kusii duugan, waxay kaga aadaysaa waxaan irbad caaradeed gaarin. Miyay kolkaas la yaab leedahay inu haweysto inu boqortooyadiisa ku simo kawnka idil ahaantiisa.