Xukuumadda Siilaanyo Oo Shaqaaqada Gabiley Dusha U Saartay Xisbiga WADDANI, Tacsi Laga Addimayna U Dirtay Qoysaskii Ay Kasoo Jeeddeen Saraakiisha Qori-lugud Lagu Laayay

0
41

Maxaa ay Madaxtooyadu Ka Tidhi Mudaharaadka GABILEY iyo Ujeedada Uu salka Ku Hayo

  “Waxaan leeyahay  WADDANI Gabiley  iyo guud ahaan-ba dalka fidmo kama ridi kartaan ee is hubsadda oo dadweynaha  ka daaya beenta iyo war-xumo tashiilka aad kula dhex jirtaan”

“Xukuumadda Somaliland way u tacsiyadeysay labadii qoys ee labadii sarkaal, waxaanay   la wadaagtay geerida waxaanay balan qaaday in askarigii dilay gacanta lagu soo dhigi doono”

MadaxtooyadaHargeysa (Hubaal)- Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul  ayaa sheegay in xukuumaddu ay  ka xun tahay  dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay mudaharaadkii rabashadaha watay ee maanta ka dhacay magaaladda Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley, waxaanu tilmaamay  inay fidmadaasi ka dambeeyeen dad dano gaar ah leh oo bulshadda ku faafiyay warar been abuur ah oo sheegayay in  askarigii  habeen hore dilay labada sarkaal ee ciidanka qaranka ka tirsanaa inta la qabtay la sii daayay.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo haatan ku sugan magaaladda Gabiley ayaa sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee magaaladdu ay degan tahay, ka dib markii lagu guulaystay in la dejiyo dadweynaha Magaaladda.

“Waxaanu ka xun nahay khasaaraha iyo dhaawacyadda soo gaadhay illaa toddoba qof oo shicib ah oo dhaawacyo fududi soo gaadheen  iyo illaa saddex askari oo boolis ah oo dhaawacyo iyo nabarro ka  soo gaadheen dhagaxaantii lala dhacayay ciidanka. Runtii dad fidmo abuur ah oo danno gaar ah leh ayaa warar been abuur ah ku faafiyay dadweynaha oo sheegay in ninkii askariga ahaa ee labada sarkaal ku dilay Qori-lugud inta la qabtay haddana la sii daayay. Waxaan leeyahay arrintaasi waa been iyo waxba kama jiraan ay dad warxumo tashiil ah oo la baadhayaa ay  dadweynaha ku marin habaabiyeen,”ayuu Yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

Mr. Dhuxul waxa uu sheegay  labadii sarkaal ee lagu dilay qori-lugud ay ahaayeen laba masuul oo ka dhintay qaranka Somaliland ee ay u shaqaynayeen, waxaanu yidhi “labadii sarkaal ee la dilay ma aha laba qof oo shicib ah  oo ka baxay beelo ee waxay ahaayeen laba sarkaal oo ka geeriyooday  dawladda Somaliland waa in arrinta sidaas loo fahmaa.”

“Xukuumadda Somaliland way u tacsiyadeysay labadii qoys ee ay ka baxeen labadii sarkaal waxaanay  xukuumaddu qoysaskaasi la wadaagtay geerida waxaanay balan qaaday in askarigii dilay meel kasta oo uu galo gacanta lagu soo dhigi doono si sharciga loo horkjeeno,”ayuu yidhi Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenku waxa uu sheegay in  Somaliland  dhaaftay xiligii nin siyaasiya ama xisbi mucaarid ah magaciisa huwani uu fidmo  dhex dhigi lahaa bulshadda, waxaanu yidhi  “Waxaan arkayay xubno ka tirsan xisbiga WADDANI oo ka hadlayay mudaharaadkan ka dhacay Gabiley, waxaan leeyahay  xisbigaasi halkan (Gabiley) iyo guud ahaan-ba dalka fidmo kama ridi kartaan ee is hubsadda oo dadweynaha  ka daaya beenta iyo war-xumo tashiilka aad kula dhex jirtaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here