8 ka mid ah Carruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa oo xabsiga loo taxaabay

0
44

 “…Guddoomiyaha Xaruntayda waanu Weydiinay waxaanay noo Sheegtay in aanay Waxba kala socon Arrintuna ka Timi Meel iyada ka Sarraysa…”

“..Waxa Dawladdu Doonaysaa In aanu Tahriibno..” Caruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa(Hubaal)-Carruurta lagu xannaaneeyo Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ciil-wisiisi iyo gaddood kala hortegay dhisme sharci darro ah, oo la sheegay in laga dhisayo ay ku ciyaari jireen Kubadda-cagta, waqtiyada fasax lagu jiro, halkaasoo qasriga Madaxtooyadu ogolaansho u siiyey shaqsiyaad gaar ah loo hindisay.

Arrintan ayaa sababtay iska-hormaad rasaas boolisku ku muquuniyeen oo dhex martay Carruurta gaddooday, kaddib markii ay si hal-haleel ah u ogaadeen qorshaha laga damacsanyhay bogcadan ay ku xarraaran jireen xilliyadooda fasaxa.

SAM_2680Qaar kamid ah Caruurta dhalinta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, oo markii iska horimaadku dhacay Warbaahinta la hadalay, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid Xukuumada talada haysaa dhalinyarada ugu jihaynayso dhinaca Tahriibka, maadaama dawladdu oggolaatay inay bixiso mid kamid ah garroomadii ay ku ciyaari jireen Kubada-cagta.

Geesta kale, waxa dhalintu xuseen si ay u oggaadaan cida go’aankani kasoo fulay, waxa ay sheegeen inay la kulmeen maamulkooda si ay uga war-sadaan xaqiiqada falkan iyo halka uu kasoo baxay, sidaa awgeed-na waxa ay xuseen in masuuliyiinta xarunta Agoomuhu  u sheegeen in go’aanka dhulkan lagu bixiyey uu kasoo baxay qasriga Madaxtooyada ee looga taliyo dalka.

Dhalinyarada bannaanbaxa samaynayey, oo sida wejiyadooda laga dheehanayey uu ka muuqday Mooral-jab iyo cadho fara-badani, ayaa sheegay ka hor intii aanay ku kicin gedoodka inay nasuuliyiinta xarunta Agoomaha ka xogogaal war-sadeen dhacdadan, iyagoo arintaa ka hadlayna waxa hadaladoodii kamid ah: “…Guddoomiyaha Xaruntayda waanu weydiinay waxaanay noo sheegtay in aanay waxba kala socon oo ay arrintu ka timi meel iyada ka sarraysa, markaa waxaanu leenahay Madaxtooyadu ma go’aan ay gaadhay-baa in aanu wada tahriibno mise waxay joojin doontaa bixinta iyo hadba wax ka dhisidda garoomadda..”. Ayuu yidhi mid kamid ah Carruurta Agoomuhu.

“..Waxaay dawladdu doonaysaa in aanu tahriibno sababtoo ah waxaa dhisme laga bineeyay oo laga jeexay dhisme nalagu yidhi waxaa laga dhisayaa dugsi farsamada gacana ah garoonkii kali ahaa ee aanu ku ciyaaranay kubadda cagta, kii kale ee Dhalintana waxaa qaatay Turkiga oo lacag ayaa lagu gelayaa markaa, lacag aanu ku galnana ma haysanno. Markaa miyaanay dawladdu doonayn in aanu tahriibno..”. Sidaa waxa yidhi mid kamid ah dhalinta xarunta Agoomaha ee Hargeysa oo War-baahinta la hadlayey, isagoo ku sugan goobtii dhismuhu ka socday.

10850544_10203280603357747_189621186_nGeesta kale, Carruurta xarunta Agoomaha, ayaa masuuliyada arinkan waxa ay ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliland iyo Wasaaradda Waxbarashadu oo ay sheegeen inay baro-kicin ku wadaan Carruurta, isla markaana Madaxtooyaddu waddo qorshe ay ku doonayso inay Carruurta ku Tahriibto. “..Madaxtooyada iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka masuul ah baro-kicinta Carruurta waxaanay diyaar u yihiin sidii ay Carruurta u kicin lahaayeen oo ay dalka uga Tahriibi lahaayeen, wax garoon ah oo aanu ku ciyaarno kan oo kaliya ayaanu haysanay oo ahaa garoonkii labaad ee dhalinta, imikana waxaa la leeyahay waxaa laga dhisayaa iskuul farsamada gacanta ah, haddii iskuul farsamada gacanta ah la dhisayana meel looma waayin oo xaruntu dhul badan oo bannaan ayay leedahay, waliba waxay leedahay halkii loogu talo galay dugsiga farsamada gacanta ee xaruntan oo ah geerash nin iska haysto, maxaa geerashka looga rari waayey ee garoonka loo dhisayaa..”. Weedhana waxa si cadho leh ugu Tirraabay Wiil yar oo kamid ah Caruurta ku xeraysan xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, wararka ku saabsan dhacdadan ayaa sheegaya inay Ciidamada rabshadaha ka hor-taga ee ay xukuumaddu halkaasi geysay xabsiga u taxaabeen ilaa saddeed ka mid ah Carruurta Agoomaha ee mudaharaadka kala hor-tegay. Ma jiro wax war ah oo faahfaahsan oo laga helay laamaha ammaanka oo si cad loogu shaaciyay xadhiga Dersinka Carruurta ah ee la taxaabay.

Gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here