“8 Xilwareejinood Ayaan usoo Taagnaa, Waana Tii iigu Danbaysay ee aan Goobjoog ka Ahaado, Waxaanan Filayaa……”

0
59

DAAWO Muuqaalka Agaasimihii Guud ee SONYO  Madashii Lagu Sagootiyey Hoggaankii Hore ee Dalladaas Kaga Tiraabay Istiqaallada Xilkaas oo uu Muddo dheer hayey

 

Hargeysa(Hubaal):- Agaasimahii Guud ee Dalladda Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Siciid Maxamed Axmed, ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas oo uu muddo 14 sannadood dhan soo hayey.

Waxa uu Siciid sidaa ku shaaciyey, hadal uu ka jeediyey Munaasibad ay xilka kulak ala wareegeen hoggaankii hore iyo hoggaanka cusub ee Dalladda SONYO oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

“Aad bay u culustay inaan ku hadlo lix Guddoomiye afkood marka laga reebo labadan Guddoomiye ee xilka la kala wareegaya maanta, dhinacna sharaf bay ii tahay inaan siddeed Xilwareejinood ka soo qaybgalo, waana Xafladdii iigu danbaysay ee aan joogo. Waxaanan filayaa in shaqadii Dalladaasi halkaasi ka sii socoto Boqolka sannadood ee soo socda.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Maxamed Axmed.

Hadalka ama Khudbadda uu Siciid Maxamed Axmed ka jeediyey Xafladdaas iyo arrimaha uu kaga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


AGAASIMIHII-DALLADDA-SONYO-SICIID-MAXAMED-AXMED-OO-ISKA-CASILAY-XIL-UU-14-SANO-SOO-HAYEY-2017-1

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here