Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ay qaadan karto maalmo kale oo dheeraad ah si loo kala ogaado khasaaraha iyo saamenyta dhabta ah ee ka dhalatay duufaanadii ku dhuftay dalka Haiti.
Masuuliyiinta halkaasi jooga waxaa ay sheegeen in 800 oo qof la rumesanyahay in ay ku dhinteen dabeylaha ku dhuftay Haiti Maalintii Salaasada.
James Beighle, oo ah madaxa gargaarka Hay`adda mad-habta Catholic-ga ayaa BBC-da u sheegay in tirada dhimashada ay kordhi karto.
Carlos Veloso, oo katirsan Hey`adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegay in gargaar ah la gadhsiiyay halka ay mashaqadu ka dhacday.
Balse deegaanada ay yihiin kuwa go`doonsan, sida kaliya ee lagu gaadhi karana ay tahay in la adeegsado diyaaradaha qumatiga ukaca ee Helicoptarada. Waxaana uu sidookale uu sheegay in dadka rayidka ee Haiti ay sameeyeen waxwalbo oo karankooda ah, laakiin ay u baahanyihiin tageero dheeraad. Dhanka kale, dufaanada ayaa gaadhay Koonfur-bari ee dalka Mareykanka. Madaxweyne Obama waxa uu ka digay in gobolka Florida ay la soo darsi karto xaalad aad u daran iyadoo khatarta daadadka iyo dabeylaha ay yihiin kuwa muqda.
Shacabka ku nool afar gobol oo xeebaha ku yaalla ayaa laga saaray guryahooda. sidoo kale, In kabadan hal-milyan oo qof ayaa koronto la’aan ah.
xigasho: bbc