Ugu yaraan 9 qof ayaa lagu dilay, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan hal qarax ka dhacay xarun tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Warbaahinta Ruushka ayaa ku warramay in qaraxa uu ka dhacay xarunta tareenada Sennaya Square ee bartamaha magaalada. Dhammaan xarumaha tareenada ee magaalada labaad ee ugu weyn Ruushka ayaa la xidhay.
Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa qaraxa sababay, hase yeeshee madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in baadhayaasha ay eegayaan wax kasta oo suurta gal, oo ay ku jirto argagixisanimo.
“Sababaha weli ma cadda, waana waqti hore weli in laga hadlo. Baaritaanka ayaa sheegi doono. Hase yeeshee, waa ay caddahay inaan eegi doonno wax walba, oo ay ku jiraan ficillo dambiyeed ama argagixisanimo” ayuu yidhi Putin.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa maanta tagay St. Petersburg si uu uga hadlo madal sanadeed ay leeyihiin warbaahinta, oo ay soo agaasimeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Kremlin-ka uu taageero.