Muqdisho(Hubaal):- Musharrixiinta u taagan inay ku tartamaan Jagada Guddoomiyaha iyo Saddexda Guddoomiye Ku-xigeen ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Fadhi Golahaasi Axaddii Maanta ku yeeshay Muqdisho lagaga dhegaystay Warbixinno la xidhiidha Aqoontooda, Waayo-aragnimadooda iyo sida ay u hoggaamin doonaan haddii ay guulaystaan Baarlamaanka.
Xildhibaannada Golahaas ka tirsan ee isu soo taagay inay Jagooyinkaas ku tartamaan oo ah Dhawr iyo Labaatan Musharrax ah, ayaa fadhiga Golaha Shacabku yeeshay Maanta waxa lagu dhegaystay illaa toban Musharrax oo ka tirsan Xildhibaannada doonaya inay u tartamaan jagada Guddoomiyaha iyo saddexda Ku-xigeen.
Mudanayaashan ayaa soo bandhigay Aqoontooda Waxbarasho iyo Khibradeed iyo qaabka mid waliba doonayo inuu u hoggaamiyo Golahaas haddii Xildhibaannadu u doortaan jagada uu doonayo. Dhegaysiga Khudbadaha oo socday saacado badan, ayaa Warbaahinta Soomaalida qaarkood si toos ah u tabinayeen.
Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), Xildhibaan Cabdrashiid Maxamed Xiddig iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtaroo oo ka tirsan Musharrixiinta u taagan jagooyinkaas, ayaa ka codsaday Mudanayaasha in la doorto, isla markaana ay hoggaamin wanaagsan la imaan doonaan haddii ay Codkooda siiyaan Mudanayaashu.
“Waxaan idin ka dalbanayaa inaad ii tixgalisaan khibradda aan u leeyahay Shaqadan, waayo? Waxaan muddo afar sano ah soo hoggaaminayay Barlamaanka uu waqtigiisu dhamaaday. Waxaan suurageliyey inaan wax badan qabanno. Si wixii noo soorageliyey Baarlamaanka sagaalaad ee Soomaaliya inaan qabanno aan u qaban karo, waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka tobnaad inay codkooda igu taageeraan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Baarlamaankii Wakhtigiisu dhammaaday ee Federaalka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isla jagadaas u sharraxan.
Waxaanu Jawaari intaas ku daray; “Waxaanan idiin caddaynaya inaan daacadnimo ku hoggaamin doono haddaad I doorataan. Waxaan idiin caddaynayaa inaanay Cidi I wadan, Aniguna Nin cid wata ahayn, wararka waxaa sheegayaana yihiin kuwo shaqsi weerar ah oo aan waxba ka jirin.”
Lix Xildhibaan oo iyaguna ka tirsan Mudanayaasha dhawaan la doortay ee u sharraxan inay ku tartamaan Jagada Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka hoose, ayaa sidoo kale Fadhigaas ka jeediyey Khudbado ay kaga hadlayaan khibrad-dooda, kuna codsadeen inay Mudanayaashu u codeeyaan.
Xildhibaannada u taratamaya Guddoomiiye Ku-xigeenka labaad ee Khudbadahooda jeediyay shalay waxaa kamid ahaa Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo isna u taagan xilka Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad, kuwaasoo Mudanayaasha ka dalbaday inay codkooda siiyaan.
“Anigu waxaan ku dhashay toddoba bilood, xilli Abaar ah baan dhashay, meeshaan ku dhashayna Dhakhtar may lahayn, markaa waxa la ii qabtay inaan maalmo noolaan karo, Aabbahay wuu maqnaa wuxuu ii qabtay inaan muddo toddobaad ah noolaan doono, balse Hooyaday waxay tidhi; ‘Wuxuu noqon doonaa Nin dalka iyo dadka wax u qabta’. Waxaan halkaa ka xaqiiqsaday naxariista Hooyo-nimada.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo u taagan jagada Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Waxaanu Faarax intaas ku ladhay; “Hooyaday ma noola, laakiin waxay ii dardaarantay inaan Dadka ixtiraamo oo Qofna aanan fadhi kula hadal ee Qofka taagan aan fadhiisiyo, haddii aanan fadhiisin karinna aan u kaco, markaa waxaan idiin muujin doonaa ixtiraam inaan idin fadhiisiyo mooyee fadhi idinkulama hadli doono idinkoo taagan, codkiinnana waan u baahanay Rag iyo Haween-ba.”
Illaa 11 Xildhibaan oo iyaguna jagooyinkaas u sharraxan, ayaa fadhiga Isniinta Berri ee Golaha Shacabka loo ballansan yahay in Khudbadohooda la dhegaysto, iyada oo sida la filayo Maalinta Khamiista ah ee toddobaadkan loo codayn doono Shir-guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya hoggaamin doono, waxaana doorashadooda ka dib ku soo fool-leh Codaynta ay Xildhibaannada Aqalka Sare iyo ka Hoose ee Baarlamaanku ku dooran doonaan Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socda isla bishan gudeheeda.
Aftahannews.com