Aas Qaran Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Maxamed Axmed Kuluc Iyo Weedhihii Saylici Ku Waddacay

0
30

Hargeysa (Hubaal)-Waxa Maanta Xabaalaha Naaso-hablood ee Magaalada Hargeysa lagu aasay Eebe Ha u Naxariistee Fannaankii weynaa ee Maxamed Axmde Kuluc oo shalay ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka, ayaa waxa kasoo qaybgalay Masuuliyiin Mucaarid iyo Muxaafidba leh iyo dadweyne aad u tiro badan, kuwaas oo marxuumka usii Waddacay Hoygiisa aakhiro, waxana dadkii ka qaybgalay Aaskaas ka muuqatay murugo ka dhalatay geeridiisa.

 aaska kuluc

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Madaxda Mucaaridka, xubno ka kala tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, bahda Fanka, bahda Saxaafadda iyo waliba Kumanaan shacab ah ayaa kamid ahaa dadkii ka qaybgalay Aaskaa Marxuumka Maxamed Axmed Kuluc oo kamid ahaa Foolaadkii fanka soomaaliyeed dhidibada u taagay.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegay in Hal abuur Maxamed Axmed Kuluc geeriyooday balse wacyigalintiisa iyo murtidiisu wali baaqi tahay.

“Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa Fannaankeenii iyo hal abuurkeenii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc ee geeriyooday. Waxaan leeyahay Eheladii iyo guud ahaan Bulshadaba Alle Samir iyo Imaan ha inaga siiyo. Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka in Illaahay Naxariistiisa ka waraabiyo.fannaanku wuxuu ahaa Qof aad inoogu qaali ah, wuxuu ahaa Abwaan iyo fannaan muddo 60 sanno ka badan ku soo jiray fanka, maanta wuu inaga baxay laakiin, wacyi galintiisii iyo wax sheegiisii waa wax mar walba inala jooga. Waxaa dhamaanteen inala gudboon inaan u ducaynoo Illaahay u waydiino inuu Jannadii ka waraabiyo” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka Somaliland.

Maxamed Axmed Kuluc ayaa ahaa fannaan gebi ahaanba Geyiga Soomaaiyeed caan ka ahaa, waxana Heesihiisa si joogto ah looga sii daayaa Idaacadaha wax ku baahiyaha Afka Somaliga, isagoo lagu xasuusan doono Taariikhdiisii Halgan ee uu kasoo qaatay Xorriyad Doonkii dadka Soomaalida ah

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here