Aas Qaran Oo Maanta Loo Samaynayo Boqorkii Feedhka M. C. Kalaay, Habka Uu U Dhici Doono & Weedho Uu Qoyskiisa Kula Dardaarmay Oo Lagu Dul Xardhi Doono Xabaashiisa

0
62

Jilaaga Will Smith & Feedhyahanka Lennox Lewis Oo Ka Mid Ah Xubnaha Degta Saari Doona Naxashka Meydka Maxamed Cali Kalaay BBtW80A

 Phoenix (Hubaal) Meydka boqorkii feedhka ee Maxamed Cali Kalaay ayaa maanta oo Jimce ah waxa lagu aasi doonaa goobta khaaska ah oo ay qoyskiisu usii diyaariyeen sannado kahor intii uu noolaa, isla markaana taariikhiga ah ee Louisville, Kentucky. Dadka ama xubnaha loo saaray qabanqaabinta aaska qaran ee dalka maraykanka loogu samaynayo feedhyahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo Jimcihii hore ku geeriyooday cusbitaal ku yaal waddanka Maraykanka ayaa waxa ku jira amaba ka mid ah jilaaga Hollywood-ka caanka ka ah ee Will smith iyo weliba feedhyahanka caanka ah ee Lennox Lewis, xubno ka socda Qoyska, qaraabada iyo asxaabta marxuumka. Aktarka caanka ah ee Will Smith oo saaxiibtinimo qoys ah la ahaa marxuumka, marna kala qaybqaatay matelaada filin dhanka feedhka ah oo marxuumku la sameeyay, ayaa waxa uu ku jiraa xubnaha sida gaarka ah loogu saaray inay qaadaan meydka Maxamed Cali oo ay geeyaan goobta lagu duugayo meydkiisa, waxaana ka mid ah John Ramsey-Muhammad oo ay marxuumka saaxiibo hore ahaan jireen nin ay walaalo yihiin Jimmy Ellis oo isna ahaan jiray saaxiibo aad isku dhawaa marxuumka. Sidanna Waxa lagu cadeeyay boodhka barta qabrigiisa laga taagay, kuwaas oo si gaar ah loogu dhigay magacyada xubnan oo iyagu ka shaqaynaya aaska qaran ee maanta loo samaynayo halyeygii/boqorkii feedhka Maxamed Cali Kalaay. Goobta loogu talogalay in lagu aaso meydka Cali kalaay, ayaa ah goob ay qoyskiisu usii diyaarinayeen dhimashadiisa tobankii sano ee lasoo dhaafay. Dhagaxa qoraalka lagu sameeyo ee xabaashiisa ayaa isla imikaba waxa lagu xardhay qoraal oo uu marxuum Kalaay kusii dardaarmay in marka uu dhinto in lagu dul qor, kaas oo aan ahayn xikkmadahii isagu uu lahaa ee laga guntay intii uu ifka joogay, balse waxa uu ku dardaarmay in lagu qoro mid ka mid ah xikmadihii uu ka tegay halyeygii ay kelmadihiisu caanka ka noqdeen dunida ee reer Maraykan ee Martin Luther, waxaana marxuum Maxamed Cali intii aanu dhiman kula dardaarmay qoyskiisa hadaladan; “I tried to love someboday. I did try to feed the hungry”. Waxaan isku dayay inaan jacayl siiyo qof. Waxaan isku dayay inaan quudiyo gaajada.” Waxaan isku dayayay noloshayda inaan maryo u noqdo kuwa qaawan een maryo xidhnayn. Waxaan idinka doonayaa inaydun tidhaahdaan in aan anigu isku dayay inaan jeclaado una adeego bani’aadanimada.” Waa odhaahyada lagu dul qoray barta loo asteeyay xabaasha Maxamed cali Kalaay. Maxamed Cali kalaay waxa uu geeriyooday isagoo 74 sano jir ah, waxaana uu saacadihiisii u dambeeyay noloshiisa la qaatay qoyskiisa oo uu kula sugnaa goob u dhaw cusbitaalka Phoenix kahor intii aan la dhigin. Madax ka kala socota dunida caalamka, gaar ahaan dalal Islaam ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan, Boqor cabdulaahi-ga labaad ee Jordan ayaa kasoo qaybgalaya jinaasada Marxuum Kalaay, waxaana goobta khudbad tacsiyeed ka jeedin doona xaaska Marxuumka Lonnie iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton iyo weliba jilaaga Hollywood-ka ee Billy Crystal. Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Cali Kalaay, waxa intii dambe ee noloshiisa uu ahaa nin aad ugu adeega noolaynta magaca iyo karaamada diinta islaamka oo dariiqyada iyo telefiishennada ka samayn jiray doodo uu magaca Islaamka dhan uga saari jiray kooxaha xagjirka ah ee Islaamka sheegta, kuwaasi oo bulshada Islaamka ah ee ku dhaqan dunida meelo badan oo Maraykanku ugu horeeyo ku keenay in cadaadis xoogan ay kala kulmaan bulshada kale ee ay la nool yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here