“Aasaaska KULMIYE Weligii Ma Uu Guurin [Ee] Cidda Guur-guurtaa Waa Qolada Siyaasiyiinta Sheegata Dantooda Ka Waaya Xisbiga”

0
34

 Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa markale tafsiir ka bixiyey Dhaqan xisbigaasi caan ku noqday oo ah inuu khilaafka iyo is qabqabsigu kusoo noqnoqdo, waxana uu tilmaamay in cid gaar ahi arrintaas ku lug leedahay. Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay, ayaa khilaafkaas ka leexiyey aasaasayaasha Xisbiga Kulmiye, waxana uu tilmaamay mar walba ay xisbiga Khilaafkiisa abuuraan Koox uu ku sheegay siyaasiyiin danahoodu u muuqan waayeen,kaahin“Marka aad Bari joogto iyo marka aad Galbeed joogto waxa aad dareemaysaa in Aasaaska Xisbiga Kulmiye aanu waligii Guurine cidda Guur guurtaa ay tahay Qolada Siyaasiyiinta Sheegata ee laga yaabo inay damacooda ama dantooda ay xisbiga ka ag waayaan, waxana la inooga baahan yahay in xisbinimada ilaashano.” Ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahin Axmed. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Guddoomiyuhu sheegay in baahi badan loo qabo sidii xisbiga loo ballaadhin lahaa, isla-markaana looga dhigi lahaa mid Dalka oo dhan cudud ku yeesha, waxana uu yidhi, “Madaxweyne Gobol Qudhi soo saari karo iyo madaxweyne Reer Qudhi soo saari karo midna ma jiraane waxa loo baahan yahay inaynu xisbinimada ilaashano taas oo noqonaysa in Gobol kasta oo Somaliland ahba laga helo dad Kulmiye ku abtirsada.” Maxamed Kaahin Axmed waxa uu shacabka Reer Somaliland ugu baaqay inay si midaysan u qaataan kaadhadhka Cod-bixiyayaasha oo dhawaan la bilaabi doono, waxana uu faahfaahiyey faa’iidada ku jirta Qaadashada Kaadhadhkaasi, “Bisha Dambe waxa bilaabmi doonto isdiiwaangelintii Codbixiyayaasha, qofkii kaadhkaas qaata ayuunbaan Doorashada ka qaybgeli doona oo musharrax madaxweyne iyo musharrax baarlamaanba dooran doona, Marka la ogaada Tirada Cod-bixiyayaasha Somaliland-na wax bay tari doontaa, ta labaadna waa in muwaadin kastaa helo xuquuqdiisa ah inuu ciddii uu rabo u codeeyo, waana in dadku kaadhadhkaas qaataan.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here