Aaway Dhalintii Wax U Baratay Dallkan Ee %70ka Ahayd

0
48

Waxaa Somaliland  Ku Soo Fool Leh 10kii Sane Ee  Maddoobaa.!!!

Mustafe Hussein Samaale

Sidda Aynu Wada Ognahayba Waxaa Inagu Soo Fooleh Dooroshooyin,  Xilga  Ay Doontaba Ha  Qabsoontee, Taasi Oo Ay Diwaan-Galintii Gabo-Gabo Ku Dhawdahay.

Hadaba Maxaa Uga Yaala  Dhalinyarada Somaliland  Xusbiyada  Taagta Daran Ee Macaash-Doonka Ah  Ee Jira Hadda, Waxaa Lagu Hirdamayaana Waa Dhalinyarada Qaadatay Kaadhka Codbixinta Inta Ay Doonaanba Haleegaadane, Ku Waasi Oo Soo Saari Doona Xusbiga Dallka Hogaamin Doona.kkkkkk

Hadaba  Mee Hankii  Dhaliyarnimo Ee Siyaasada Somaliland Ee Wax Ka Badali Laah, Ee Wax Qabad Lahaa, Ama Ay Wax Ku Toosinlahaayen  Ama Ay Kula Gor-Gortamilahayeen Xisbiyadda Hadda Jira  Ee Aan Uqalmin Inay Waddankan  Hogaamiyaan Siyaasadiisa Mustaqbaleed Ee 10ka Sano Ee Soo Socda ,Taasi Oo Anay Ka Muuqan Habka   Dimuqradinimo Ah  Ee Wax Lagu Doorto  Taasi Oo Ay Ka Xoog Waynaatay Hab Qabyaaladeedka Aynu Wax Ku Doorano Ee Aan Loo  Eegayiin Wax Qabad Ama Aqoon Uu Leeyahay Oo Lagu Doorto , Ama Wax Barasho, Ama Wax Yaabo Kale Oo Fara Badan Oo Lagu Xulan Karo .

Waxaan Hore   U Soo Baranay Xusbiyo Hore Oo Xilka Soo Qabtay  Iyo Kuwa Imika U Taagan  Oo Anay Aqooni Inoogu Laabnayn,Kaasi Oo Aan Garanayno Mid Waliba  Heerka Uu Umada Ka Taagan Yahay Hadaba Dhalinyarad Somaliland Ma Kuwo Olole  Lagu Galaa Marwalba,Oo Iyaga Uun Lag Faa’idaysto.

Hadaba Su’aasha Meesha Taalaa Waxaa Weeyaan Sidee Lo’la Gor-Gortamikaraa,Xusbiyad Hada Jira Ee Laga Dayrinayo Siyaasada Ay Ku Hagilahayeen Waddankan 10ka Sane Ee Soo Socda Ilayn Kolay Koradh-Simo Inagama Dhamaatee

Gabo-Gabo

Isku Soo Wada Duuduuboo Waxaa Inagu Soo Fooleh 10kii Sane  Ee Madoobaa Hadii Aanan Hurdada Laga Kicin, Mah-Maah Somaliyeed Ayaa Tidhaada Nin Aan Waxa Soo socda  Garan Waxa Joogana  Ma Garto  ,Taasi Waxan Uga Jeedaa Manta Saddexda Xisbi Ee Joogaa Inay Wax Faa’ido Ah Oo Ay Soo Sidaan Any Jirin  Dibu Dhac Moyee,Taasi Oo Ah Waajib Inaga Saran  Waddankeena .

Hadaba  Waxaa Ka Hortagi Kara Khatarahaa Aan Soo Sheegay  Dhalintii Wax Baratay  Ee Dhinaca Wanaagsan Wax Ka Eegaysa Ee Jecel Horumarka Ee Qabyaldi Maskaxdooda Ka Madhantahay Iyo Inta Kale Ee La Fikirka Ah Ee Anay Ku Jirin Xusbi Jacal, Intaasi Ayaa Wadanka Badbaadin Karta Oo La Gor-Gotramikarta Xusbiyada Taagta Daran Ee Aan Soo Sheegay .

Mudtafe Hussein Samale

Emali­=Mustafe20081@Gmail.Com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here