Aaway Ehelkaygii.!!!.W/Q:Khadar Gureyte.

0
30

Daryeelid la’aan ayaa ishan u yeeshay, cidlo ayuu kaligii taagan yahay, wuu ooyayaa, cid ehel u ah ma haysto, kuwii lahaa ayaa sidan u gartay, had iyo jeerna waa ay ka xaragoodaan, kuwo kale oo isaga asaagii ah ayey kor u qaadaan, wayneeyaan, qadariyaan, kuna tamashleeyaan.

khadar gurayteCid ku faanta ma haysto, cid illaashata haba sheegin, cid ku foogana ma arko. dunidu waa tartan, isaga waa laga dheereeyey, waxaana baratankii kaga badiyey kuwii dhigiisa ahaa oo isaga cidii illaashan lahayd ay garabsiinayaan.

Mar walba in dadkiisii dhinteen ayuu moodaa, in laga guuray oo la nacay ayuu dareemayaa, in loo hiilin waayey oo la hagraday ayuu maanka ku hayaa, in aan mar qudha loo hagar-bixin ayuu arkaa, oogadiisa ayaad ka dareemaysaa dayaca ka muuqda.

Waa Af-Soomaali, agoon iyo rajaynimo isagu darsantay, cid uma damqato, looma diir-naxo, kan ugu dhow ee Soomaaliga ah ayaa ka carara ku hadalkiisa, tacliin iyo meelo kale oo lagu soo hadal qaadana iskaba daa, waa gob dadkii lahaa ay gun ku noqotay, af-qalaad ayuunbay daba socdaan, tolow maxaa uga gidhiisha?.

Dadka ka ugu aqoonta badan ayaa ugu neceb, wadaadkeeda, iyo waliba aqoonyahankeedaba, mar walba afaf kale ayey dabada hayaan. Aniga maxaa la ii tuurayaa?, Maxaa qayrkay iigu wiirsanayaa?. Maxaa la ii daryeeli waayey?. Aaway ehelkaygii?.Iyo hadalo kale ayuu ku calaan calayaa.

Af-Soomaaliga looma dabaal dago, xusas u gaar ah looma sameeyo, lama weyneeyo, lamana qadariyo, qofka ugu soo dhawi waa kan xasuusan in af-Soomaali jiro, hase yeeshe illaawa, dadka inta aqoonta badan aan lahayn ee dantu baday ayaa maciinsada isticmaalkiisa, kuwa kalena bari horeba  way ka toobiyeeyeen.

Wuu rifmay, maalinba erayo qiimo badan ku lahaa ayaa macno beela, erayo suuqdi ah iyo kuwo kale oo qalaad ayaa meesha ka cidhiidhsada, wuu itaal dareeyey, cid iskama celin karaayo, qof waliba waa uu ku tumanayaa, marka aad u fiirsato badh mooye inta kale ayaa af-qalaad ah. akhriskiisu ma badna, qoristiisuna hadda ayey sii cadceedinaysaa, fariini waa qaanee cida iga naxaysa ha ii hiiliyaan ayuu i soo faray.

W/Q:Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)

Khadargurayte@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here