Abaarta jirta ka sakow komishanka doorashooyinka maxaa ka diyaar , mudada kooban ee ka hadhay wakhtigii doorashada?

0
42

W/Q:  Cali XAsan Cawaale

Sida la wada ogyahay dalkeena waxa ka jira abaaro baahsan, kuwaas oo aad u saameyay dadka iyo duunyadaba , (Allah ha inaga soo jabiyo abaartan iyo arrin xumadabe, abaartu waa aafo dabiiciya oo Rabiga oo kaliyi inaga dulqaadi karo, asaga ayaynu baryaynaa in uu inaga dulqaado).

Haddaba hadii aan u soo noqdo dulucda iyo nuxurka aragtidaydan , waxa jirtay mudooyinkan danbe laga hadleyay abaarta iyo arrimiha doorashooyinka, kuwaas oo xisbiyadii iyo dadkuba ay afgaaro iyo dareeno kala duwan ka bixinayaan, madama ay wakhtigii dorashada inaga xigto mudo aan ka badnay 80 casho ,

Waxaan arkaynaa in siyaasiyiinta asxaabta qaranka ay isku khilaafsanyihiin arrimahan doorashooyinka in ay Cali-Xasan-Cawaalewakhtigoodi ku qabsoomaan iyo in doorashada dib loo dhigo abaaraha awgood.

Arrintan dib udhiga doorashooyinka ee lagu sababaynayo in abaarta awadeed dib loogu dhigo doorashada ee ay asxaabtu ku muransanyihiin bulshaduna araha kala duwan oo kala raacsan afgaaraha asxaabta ka bixinayso.

Aragti ahaan waxaan u arkaa in ay ka horayso in asxaabta , xukuumada iyo bulshaduba la is weydiiyo, bal horta abaarta ka sakow komiishankii masuuliyadan doorashada inoo qaabilsana , maxaa ka diyaara mudada yare e kooban ee ka hadhsan wakhtigii doorashada loo qondeeyay in ay dhacdo ? Suashani waxay iftiiminaysa, in koomishanku qaranku horta ay guteen xilkii isla markaana baahiyaadkii dorashada looga baahna in lagu galo dhamaantood diyaar ka yihiin, isla markaana ay doorashadii ku qabsoomayso wakhtigeedi loogu talo galay.

( Marka taas la ogaado, ee suashan jawaabteedu noqoto haa waa ka diyaar komishanka dhamaan baahiyaadkii qabsoomida dorashada iyo in doorashada ay ku qabanayaan wakhtigeedi, waxa qabsoomida dorashada dib u dhigaya abaaraha, iyo durufaha adag ee ay wadato abaarto, wana macquul, ayagaana sabab u noqonaya dib u dhac kasta oo dorashada ku yimaada, cidna lagu canaanmaayo) ( hadii se ay jawaabta suashini tahay maya, koomishanka doorashooyinku mudadan kooban ee ka hadhsan wakhtigii doorashada, kuma dhamaystiri karayaan adeegyadii ay doorashadu ku qabsoomi lahayd, waxaan qaba in ay tahay masuuliyada xubnaha koomishanka qaranka, oo aan xilkii iyo waajibaadkii ay qaranka iyo umada u hayeen aan gudan, oo sabab u yihiin ayagu u in doorashooyinku ay dib uga dhacaan wakhtigii loo cayimay, balse aanay abaaruhu sabab u ahayn, o xataa hadii anay jirin abaartani ayna doorashadu wakhtigii loo cayimay ku qabsoomayn, madama ayna dhamaystirin xubnaha komishanku adeegyadii surto galinayay qabsoomida doorashada

Sida awadeed arigtidayda waxan aaminsanahay, in asxaabta siyaasada, xukuumada iyo bulshaduba in horta xubnaha komishanka doorashooyinka ay jawaab waafiya ka bixiyaan waxa ka diyaara adeegyadii sura galinayey qabsoomida doorashada, mudada kooban ee ka hadhsan wakhtiga, ayagoo waliba qancinaya dadka sida ay ugu dhamaystiri karaan hawlaha doorashooyinku ku qabsoomayaan mudadan kooban.

Ugu danbey waxaan ugu baaqi lahaa asxaabta qaranka , golayaasha xukuumada iyo bulshadaba in aan la hor ordin komishanka qaranka, isla markaana abaarta jirta ayna dalo uga dhigin dib dhigista doorashada , taasi oo gabood u noqon karta komishanka , balse ay ogaadaan abaarta ka sakow waxa ka diyaara ah koomishanka.

Arrintan aya aan aaminsanahay in ay tahay xikmada dhabta ah ee lagu ogaan karo in dib udhaca dorashada aynu ku sababayno abaarta jirta, iyo in aynu ku sababayno xilgudasho la,aan dhinaca xubnaha komishanka, xagiisa taas oo hadii aanay jirin abaartani, xataa sababaysay dib udhaca doorashada. Markaa waxan leeyahay yaan la hor ordin komishanka qiilna loo samayne, aabartana gabood laga dhigin ee ha la ogaado arriamaha sababaya in doorashooyinku ayna ku qabsoomi Karin wakhtigii loo cayimay, ma abaarta, mise waa xilgudasho la,aanta dhinaca komishanka dorashooyinka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here