Abiy Axmed Oo U Faanay Xildhibaanada Dalkiisa

0
81

Addis ababa (Hubaal) Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku faanay dhar isku joog ah oo uu xidhnaa isla markaana sheegay in lagu sameeyay gudaha dalka kana tayo wanaagsan yihiin dharka ay xidhnaayeen xildhibaanada aqalka hoose ee Itoobiya.

“Dharka aan ku labisanahay waxaa laga keenay deegaanka Konta ee koonfur galbeed Itoobiya” ayuu yidhi Abiy Axmed.

“Waxaan rumeysanahay in dharkan aan xidhanahay haddii aysan ka tayo wanaagsaneyn dharka aad ku labisan tihiin, ugu yaraan tayadoodu wey liidataa , dharkeyga wuxuu leeyahay tayo wanaagsan oo xooggan, haddii aan aniga qaddarin oo aan soo bandhigin, yay tahay in uu muujiyo? ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay xildhibaanada inay qiimeeyaan waxyaabaha lagu sameeyo gudaha Itoobiya.

Hadalkan Abiy ayaa imaanaya xilli maanta uu ka jawaabayay su’aalo ay weydinayaan xildhibaanada kuwaas oo ku saabsanaa xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamulka Tigray, wuxuuna sheegay in khilaafkaas xallintiisa loo mari doono sharciga dalka.

Abiy ayaa sidoo kale ka hadlay dagaallada kasoo cusboonaaday galbeedka Itoobiya gaar ahaan gobolka Benishangul-Gumuz halkaas oo dhawaan ay ku dhinteen tiro dad ah kaddib dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee wada dega halkaas.

Wuxuu sheegay in qalalaasahaas ay u muqdaan kuwo ka dhashay tallaabooyinka la doonayo in lagu waxyeelleeyo mashruuca biyo xidheenka weyn ee ka socda gobolka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here