Marxuum Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caaradhuub) Kasokow Dhinaca Suugaanta waxaa uu Ahaa Macalin Wax Ka Dhiga Dugsiyada Waxbarashada
Burco (Hubaal) – Waxa Magaalada Burco shalay ku Geeriyooday Alle ha u naxariistii Abwaan Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caaradhuub) oo ka mid ahaa Suugaanyahannada Reer Somaliland ee Caanka ka ahaa Dhulka Soomaalidu degto. Marxuumka oo ahaa Macalin Wax ka dhiga Dugsiyada Waxbarashada ee Magaalada Burco, ayaa sidoo kale lahaa Maansooyin tiro badan oo uu kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya Nolosha Adduunyada. Marxuumka waxa Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay Dhambaal u qornaa sidan “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda suugaanta, dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cabdisalaan Maxamed Xirsi (Caaradhuub) oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta [shalay] oo taariikhdu tahay 27/07/2017. Marxuum Cabdisalaan Maxamed Caaradhuub waxa uu ahaa abwaan wayn, macallin wax dhiga dugsiyada waxbarashada Somaliland iyo qoraa dhaqan-yaqaan ku xeel-dheeraa arrimaha dhaqanka Soomaalidu leedahay, waxaannu ku sifaysnaa nin wanaagsan oo mar walba maankiisa ay ku jirtay inuu wax ku kordhiyo dadkiisa iyo dalkiisa.Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Siciid Caabi oo isna ku geeriyooday Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/07/2017. Marxuum Maxamed Siciid Caabi waxa uu ahaa aqoonyahan waxtar badan oo kala duwan ku soo darsaday dalka Somaliland iyo ummaddiisa heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen. Guddoomiyuhu waxa uu ku sifeeyey labada Marxuum aqoonyahanno ka baxay ummadda reer Somaliland, waxxaannu Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin..