Abwaan Dacwad Ka Gudbiyey Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa Oo Qabatay Xus Ku Cusub Dhegaha Shacabka

0
18

“Kulankaa Waxa Loogu Magac-Daray [Maalinta Caalamiga Ah Ee Fayo-Dhowrka Caadada Haweenka] Arrinkaasi Wuxuu Ahaa Arrin Ku Cusub Dadka, Dhaqanka Iyo Diintaba”

 “Meelo Badan Baan U Gudbiyey Dacwadda ay kamid yihiin; Wasaaradaha Warfaafinta, Diinta & Awqaafta iyo Labada Gole” Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Laamaha Dawladda Ee Ay Khusayso U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Xaruntan

Hargeysa (Hubaal) – Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) oo ka mid ah Suugaanyahannada Somaliland, ayaa ka hadlay Xus loogu Magac-daray “Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka” kaasi oo 28-kii bishan May lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Yuusuf-shaacir oo shalay u warramay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay inay wax dhaqanka ku cusub tahay in Maalin gaar ah loo sameeyo Caadada Haweenka, sidaasi darteedna uu Laamaha Dawladda ee ay khusayso u gudbiyey Dacwad ka dhan ah, si buu yidhi wax looga qabto.

Abwaanka oo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Kulankaa waxa loogu Magac-daray ‘Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka’ arrinkaasi wuxuu ahaa arrin ku cusub Dadka, dhaqanka iyo Diintaba. facebook-gooda markaa gasho waxa ku sii qoran aynu jabino Deyrka ka hadal la’aanta Caadada Dumarka. Caadadu waynu ognahay waa wax Caafimaadka Dumarka la xidhiidha oo Diinteedu si wanaagsan oo asturan uga hadashay, laakiin in Xaflad loo sameeyo oo la yidhaahdo Maalin baa lagu xusayaa gaar ah, waa wax aad u cajaa’ib ah oo innagu soo kordhay.”

Abwaanku waxa kale oo uu sheegay “Meelo badan baan u gudbiyey Dacwadda, waxaan u gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta oo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Labada Gole ee Baarlamaanka Guddiyadooda anshaxa waanu u gudbinay, Ciddii kale ee ay khusaysana waanu u gudbinaynaa, sida Guddida wanaag-farista. Madaxweynahana halkan farriin baan uga gudbinayaa ah, wuxuu ku dhaartay inuu ilaalinayo Diinta, Dalka iyo Dadkaba, markaa inuu arrintaa Tallaabo ka qaado ayaan farriin ugu dirayaa..”ayuu yidhi.

Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaan dhankeeda ka hadlin Hadalka Abwaan Yuusuf-shaacir.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here