RADIO HUBAAL Ka Dhegeyso Warbixin Ku Saabsan Xaallada Caafimaad Ee Abwaan Hadraawi+DAAWO SAWIRRADA Wefti Burco Ku Booqday
“Abwaan Hadraawi Xanuunkiisu Waa Xagga Maskaxda, Gaar Ahaanna Xusuusta Dhow Ayaa Ka Maqan”
Burco (Hubaal) – “Abwaanka Xanuunkiisa Waa Na Loo Sheegay Oo Waa Xagga Maskaxda, Gaar Ahaanna Xusuusta Dhow Ayaa Ka Luntay, Run Ahaanna Waa Lagu Dadaallay caafimaadkiisa oo waxaa dhakhtar ahaan loo geeyey dalka Jarmalka, Dhakhaatiirti Jarmarlkuna Waxay Yidhaahdeen Maskaxdiisu Waxay La Mid Tahay Laba Qarni [Laba Boqol oo Sanno] Inay shaqaynaysay ayaa loo malaynayaa”- Sidaas waxaa yidhi Abwaan Cismaan Cabdillaahi Guure Oo Abwaan Guure ku Magac Dheer oo ah Afhayeenka Gole lagu magacaabo Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo Dhawaan Socdaal ku yimi Somaliland iyaga ooo ka soo kicitimay dhinaca dalka Soomaaliya. Abwaan Guure iyo Xubnaha kale ee la socday waxaa ay Magaallada burco ee xarunta Gobolka Togdheer ku booqdeen Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo muddooyinkii u dembeeyey Xanuun dhinaca Xusuusta ah la tacaallay, kaasi oo ay gaadhsiiyeen taageero maalliyadeed oo uu golahoodu ugu talo galay abwaanka. Haddaba Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada Codka Maraykanka ee VOA-da oo Wargeyska HUBAAL kasoo xigtay waraysi ay khadka telefoonka ee Burco kula yeellatay Abwaan Guure ayaa waxaa ay ka waraysatay xaallada caafimaad ee Abwaanka. Waraysigaas oo Weriye Nuur Xasan Nuur (Nuur Bukhaari] La Yeeshay Afhayeen GUURE, waxaa uu u dhacay sidan ee dhagaysi wacan:
GUJI Qoraalkan si aad u dhegeysato Warbixinta Xallada caafimaad ee ABWAAN HADRAAWI