Abwaan laab-saalax Oo Madaxweynaha Usoo Jeediyey Inuu Umadda u Usoo Xareeyo Cashuurta Xad-dhaafka ah Ee Ku Waajibtay Adeegga ZAAD-ka

0
28

“Madaxweyne sida ay cashuurtu ugu waajibtay islaanta tammaandhada iibisa, ZAAD-ka halloogu waajibiyo, waayo waxaynu u baahanahay in dalkan iyo dadkani wixii ay xaqa u lahaayeen ay helaan”Awbaan Laab-saalax

capture

Hargeysa:(Hubaal)-Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax oo kamid ah abwaannada caanka ka ah geyiga Soomaalidu degto, ayaa si adag u dhaliilay adeegga ZAAD-dka ee Somaliland laga isticmaalo, waxana uu sheegay inuu hormood ka noqday qiimo-dhaca ku socda shilinka Somaliland iyo maciishadda kale ee waddanka taalloba.

Abwaanka oo ka hadlay munaasibad dhawaan lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu adeegaasi halis ku yahay nolosha bulshada, isla-markaana aanay jirin wax dammiin ah oo ay haystaan dadka hantidooda adeeggaas ku aaminay,“Maqsin Hargeysa ku yaalla, ayaa lagu sameeyaa Numberro lacag ah, shirkado gaar ah oo madax bannaan ayaa leh, adeegga ZAAD-ku waxa uu mushkilad ku yahay sicir-bararka, waxa uu mushilad ku yahay lacagteenii kaashka ahayd, wax allah wax maanta inooga dammiin ah ZAAD-kaasi ma jiro”ayuu yidhi abwaan Laax-saalax.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu abwaan Xasan Dhuxul laab-saalax farriin u diray madaxweynaha qaranka, waxana uu usoo jeediyey inuu qaranka uga qaado cashuurta ku waajibtay, sida loo cashuuro dadka danyarta ah ee quutal-daruurigooda dagaalka ugu jiroba, waxana uu yidhi,“Madaxweynaha qaranka waxan leeyahay madaxweyne sida ay cashuurtu ugu waajibtay islaanta tammaandhada iibisa, ZAAD-ka halloogu waajibiyo, waayo dakhliga dawladda marka la celceliyo waxa badan inta ZAAD-ku isticmaasho waxana aynu u baahanahay in dalkani iyo dadkani wixii ay xaqa u lahaayeen ay helaan.”

Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax, ayaa noqonaya abwaankii ugu horreeyey ee si furan uga hadla mid kamid ah mushiladaha dhaqaale ee waddanka ka jira, kuwaas oo carqalad ku ah habsami-u-socodka qiimaha lacagta iyo weliba nolosha dadka danyarta ahba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here