GUDDAHA KA AKHRI: Qoraal Jawaab U ah warmurtiyeedkii Kooxdu soo saartay Oo uu ku cadeeyay Istiqlaaladiisa iyo Sababta keentay Xiligan
Hargeysa (Hubaal) Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul – Gudoomiyihii Muddada dheer soo maamulayay kooxda Xiddigaha Geeska ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, fariin kooban oo uu soo dhigtay barta uu ku leeyahay shabakada Bulshadu ku kulanto ee Facebook.
Qoraal ka soo baxay xarunta xidigaha Geeska ee magaalada Hargeysa fiidnimadii Axada, ayaa lagu sheegay in ururkaas fanaaniinta ahi doorteen xubno maamul oo cusub, xilkiina ka qaadeen Gudoomiye Xassan Saleebaan.Gudoomiye Laab-Saalax, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu jiray Muran soo jiitamayay oo ka dhex aloosnaa xubnaha xidigaha geeska, sidaas darteedna uu xilka gudoomiyenimo isaga casilay.
“Kooxda Xidigaha Geesku Waa Koox Ku Dhisan, Nidaam Sharciya islamarkaana Leh Qawaaniin Ay isku Maamusho.
Hadaba iyadoo Kooxda uu Muran Ka Taagnaa in Muda ah. Ana Aan ka Maqnahay dalka waxaan Shacabka Ku Xidhan Kooxda iyo Xubnaha Kooxda u Cadaynayaa In aan Si Rasmiya iskaga Casilay Xilkii Gudoomiyenimo.
Maamulkii iyo Xubinihii kooxda ahaa sida wacan iila Soo Shaqeeyayna Waan u Mahadcelinayaa.
ALLAAAAAH MAHAD LEH
Xasan Dhuxul Laabsaalax
Sababaha Loo aanaynayo is-casilaada Laab-saalax
Xassan Saleebaan, ayaa qoraal uu soo saaray Isniintii Todobaadkii hore waxa uu ku shaaciyey in uu fannaanka Maxamed Siciid BK ka saaray Xidigaha Geeska, kaas oo uu ku eedeeyey in uu jebiyey qawaaniintii iyo xeerkii u yaallay urur-faneedkooda.
Laakiin, Maxamed Siciid BK – ayaa ka dhex muuqday magacyada xubnihii soo saaray – warmurtiyeedka xubnaha xiddigaha Geesku xilka kaga qaadeen Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul, kuna doorteen xubnaha maamul cusub, taasnina waa mida soo dedejisay in guddoomiyaha kooxdaasi Mr. laab-saalax is-casilo.
Ismaandhaafkan galaaftay xilkii Gudoomiyaha Xiddigaha Geeska ayaan la garanayn halka uu sal dhigi doonto.
Iyadoo aynu ka war qabno , wax qabadkii Abwaan Dhuxul, waxaynu ka dhur-sugi doonaa, Axmed Wali Ibraahim Furinle, Gudoomiye – Maxamed Axmed Bakaal ( Cirro ) Gudoomiye-xigeen iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi ( Oday ) 00 ah Xubnaha maamulka cusub ee ay Fanaaniinta loogu jecel yahay wakhtiyadan dambe geyiga Soomaalidu degto doorteen, Sida xaalka hogaamintoodu noqdo.
xigasho:Cadalool