Abwaan Xasan Laabsaalax oo ka jawaabay sababta Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cukuse uu uga mamnuucay Warbaahinta Qaranka
“Amarkaasi wuu jiraa, waanu isoo gaadhay in suugaanteyda uu Wasiir Cukuse ka mamnuucay Telefiishanka qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa, mana garanayo…”Wareysi Abwaan Laabsaalax
Hargeysa(Hayaannews):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta amar ku bixiyay inaanay warbaahinta qaranka ka bixi karin Heesaha jacaylka iyo Waddaniga ah ee uu Hal-abuuray Abwaanka da’ada yar Xasan Dhuxul Laabsaalax.
Wasiir-Cukuse waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta isugu yeedhay, isla markaana amar ku siiyay farsama-yaqaanada ka hawlgala Telefiishanka qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa.
Ma Caddeyn Wasiir Cukuse sababta keentay mamnuucida Suugaanta Abwaan Laabsaalax aanay uga bixi karin warbaahinta qaranka, Hasayeeshe waxa loo maleynayaa inay talaabadani salka ku hayso khilaaf kooxgan oo u dhaxeeya Wasiirka iyo Abwaanka.
Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa waxay wax ka weydiisay Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax jiritaanka amarka la sheegay inuu Wasiir Cukuse ku mamnuucay Suugaantiisu inaanay ka bixin Warbaahinta dawlada, ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Amarkaasi wuu jiraa, waanu isoo gaadhay in suugaanteyda uu Wasiir Cukuse ka mamnuucay Telefiishanka qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa, mana garanayo sababta keentay mamnuucida suugaanteydu inay ka baxdo warbaahinta qaranka, laakin waxay su’aashaasi ku haboon tahay in Wasiir Cukuse la weydiiyo”.
Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf soo kala dhexgalo Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul laabsaalax iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse, balse waa markii saddexaad ee ay isku dhacaan,
Wasiir Cukuse ayaa had iyo goor awoodiisa Wasiirnimo u adeegsada ku tacadiga cabudhinta Saxaafadda madaxa-banaan, xaqna umalaha arrintaasi inuu qof muwaadina uu awoodiisa Wasiirnimo kaga qaado xuquuqdiisi muwaadinimo,taas oo sharciga iyo qawaaniinta dalka baal-marsan.