Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Faah-faahiyey Sababta Keenta Isbeddelka Siyaasiyiinta Ku Dhaca Marka Ay Kursiga Ku Fadhiistaan

0
218

“Xisbigu marka uu Kursiga gaadho laba daymood buu ku jiraa  oo kala ah deynkii lagu soo maalgeliyey iyo deyn uu ugu yimi……”Abwaan Yuusuf Shaacir

yuusuf-shaacir

Hargeysa:(Hubaal)-Abwaan Yuusuf Cabdille Cismaan(Shaacir) oo kamid ah abwaannada reer Somaliland, ayaa si farshaxanimo leh u sharraxay dhibaatooyinka dhibaatooyinka haysta axsaabta qaranka, isaga oo soo bandhigay sababaha keena in masuuliyiinta qaranku marka ay xilka qabtaan ka dheeraadaan waxqabadkii laga filayey iyo habaca waxqabad ee soo food saara.

Awbaan Yuusuf Shaacir oo ka hadlay madal uu suugaan cusub kusoo bandhigay, ayaa si saraaxad leh bulshada ugu sharraxay sababta madaxda qaranka ku keena inay waxba qaban waayaan, waxana shaaciyey in bixinta daymo hore loo amaahiyey iyo gudista abaallo siyaasadeed ay kaga mashquulaan fulinta ballan-qaadyadoodii, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Ganacsato iyo qurbejoog badan baa xisbiga taageersan, su’aasha taagani waa maxay ganacatada iyo qurbejooggu uga jeedaan lacagaha ay xisbiyada siinayaan? Wuxuu uga jeedaa waa Deyn xisbiga la deyminayo, maalinta aad kursiga heshona xisbiyow dayntani way kugu qoran tahay.”

Isaga oo hogo-tusaalaynaya meelaha ay siyaasiyiintu waqtigooda ugu badan geliyaan xilliga ay kursiga fuulaan, waxa uu yidhi, “Haddii aanu ganacsadaha ama qurbejooggu wax doonin cid kale oo uu wato buu kaaga doonayaa, xisbiguna marka uu Kursiga gaadho laba daymood buu ku jiraa kuwaas oo kala ah deynkii lagu soo maalgeliyey iyo deyn uu ugu yimi oo laga yaabo inay ka tagtay xukuumaddii ka horraysay,” ayuu yidhi Abwaan Yuusuf Shaacir.

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille waxa uu tilmaamay in marka laga tago cidda hoggaaminta dalka raadinaysa cidda kale eek u xeerani ujeeddooyin iyaga u gaar ah hoosta ku wataan, isla markaana waqtiga kursiga la qabsado ay rabitaankooda badka soo dhigaan, waxana uu yidhi, “Cidkasta oo halgameyaal ahi ujeedday leedahay, haddii uu murrashaxu madaxweyne doonayo kuwa kalena wax bay doonayaan, marka uu xisbigii xaaladdaas kusoo baxo ee cidda caawinaysaa ay ujeeddadaas leedahay adna aad hadhow tidhaahdo musuqmaasuq baa jira siday isu qabanaysaa, illayn guddoomiyihii ama murrashixii hadhow waxan oo dhan baa kusoo faylaya oo xataa reerihii baa soo faylaya, waxaas oo dhammina waa caqabado jira.”

Waxa uu tusaale usoo qaatay sida ay hab-nololeedka siyaasiyiintu isu beddesho waqtiga ay kursiga ku fadhiistaan iyo sida ay u kala go’doomaan dadkii ay isku xidhnaan jireen, “Ninka siyasiga ahi marka uu kursiga doonayo cooshad walba wuu gelayaa, laakiin hadhow marka uu kursiga helo xaaladdu way is beddelaysaa, dabadeedna odayaashii uu la fadhiyi jirey baa u qaadan waayaya oo marka la yidhaahdo shir buu ku jiraa odhanaya Hebel iyo Hebel baa ku doonaya ku dheh, waxana ay moodayaan inuu soo baxayo oo maqaaxidi imanayo,” ayuu yidhi abwaan Yuusuf Shaacir.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here