Hargeysa:(Hubaal)-Waxa taariikhda markii ugu horraysay shir jaraa’id oo ay xaaladda abaarta dalka kaga hadlayaan wada qabtay abwaannada ugu caansan geyiga Soomaalidu degto intooda ku nool magaalada Hargeysa, waxana baaqoodii ay shalay iskugu yimaadeen kasoo baxaya su’aalo badan.
Abwaaniinta magaca iyo milgaha ku dhex bulshada, ayaa baaqooda loo arkaa mid ujeeddo gaar ah lahaa, isla-markaana ay dabada kasoo riixday cid u aragta in hadalkooda ay dano iyaga gaar u ah ku gaadhi karaan, iyada oo aan weli la haynin sabab cad oo intaas oo awbaan goob iskugu keenta, isla-markaana dhawaaq isku mid ah kasoo saartaan.
Awbaannada shalay isku yimi ee xaallada abaareed ee dalka sida adag uga hadlay, ayaa waxa kami dahaa Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi(xasan-ganey) Aadan Tarabi, Muuse Cali Faruur, Cabdi Aadan Xaad(cabdi-qays), Cumar Xasan Rooraaye, Maxamed Aadan Dacar, Yuusuf Shaacir iyo weliba abwaanno kale, ayaa si isku mid ah u shaaciyey in xaaladda abaareed ee dalka ka jirtaa aanay saamaxaynin inay doorasho qabsoonto, isla-markaana loo baahan yahay in talo laga yeesho.
Kulanka abwaannadani iskugu yimaadeen ayaa u muuqda mid aragti ahaan taageeraya diidmada axsaabta mucaaridka ah ee doorashada ka dhanka ah, taas oo xukuumadda iyo xisbigul-xaakimka si weyn uga soo horjeedaan.
Saraakiil katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa loo aanaynayaa inay dhabarka soo taabteen kooxdan abwaaniinta ah ee qaylo-dhaanta soo saaray, waxana la tuhunsan yahay inuu u laqimay hadallada ay madasha lasoo fadhiisteen.
Ma aha abwaaniinta oo kali ah dadka ujeedooyinka aan la fahmin fagaareyaasha la yimi eek u baaqaya in doorashadu dib u dhacdo, balse waxa isa soo taraya dadka warbaahinta lasoo fadhiisanaya baaqyada ay ku dalbanayaan in doorashada dib loo dhigo.