Weftiga Madaxweynaha Somaliland Ayaa Madaarka Bole International Airport Waxa Ku Qaabiley Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Dawladda Federal-Ka Itoobiya
Madaxweynaha Somaliland iyo Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya oo ku kulmay Addis Ababa
Addis ababa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay ka ambobaxay caasimada hargeysa, iyagoo ku sii jeeda dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa isl shalayba gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda Itoobiya.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaaladda Addis Ababa.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.
Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada geeska Afrika.
Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah.
Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa.