Addis Ababa: Magacyada Soomaali midkood Hargeysa ka tagay oo Falal Argagixiso loo Xukumay iyo Dawladda Ingiriiska oo ka Hadashay

0
27

Addis Ababa, (Hubaal)- Maxkamadda Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa xukunno kala duwan ku ridday saddex nin oo Soomaali ah oo mid ka mid ahi dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland, kaddib markii lagu eedeeyey inay falal ammaan-darro ka wadeen gudaha dalkaasi Itoobiya.

magacyada-300x168Labada nin ee kale oo aan la sheegin asal ahaan deegaannada Soomaalida halka ay ka soo jeedaan, ayaa la sheegay inay siteen baasaboorka waddanka Ingiriiska, waxaana lagu eedeyey inay isku-dayeen sidii ay gudaha dalka Itoobiya ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo Islaami ah iyo tabobarro milatari.

Cali Caydaruus Maxamed iyo Maxamed Shariif Axmed oo la sheegay inay ku noolaan jireen magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu weheliyo nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed oo ka tagay magaalada Hargeysa, ayaa Khamiistii la horgeeyey Maxkamadda Federaalka Itoobiya ee magalada Addis Ababa, waxaana lagu helay inay maleegayeen falal argagixiso oo ay ka fuliyaan gudaha Itoobiya, waxaana maxkamaddu ku xukuntay inta u dhaxaysa Afar ilaa todoba sanno oo xadhig ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, ayaa ka hadashay dambiga loo xidhay labada muwaadin ee sita baasaboorradeeda, “Waxaanu xaqiijinaynaa inay jiraan muwaadiniin u dhalatay Britain oo Itoobiya lagu xidhay, xafiis ahaanna waanu ka caawinayna,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay wasaarada Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

Sarkaalkan oo ka hadlayey ilaalinta daryeelka muwaadiniintooda ku xidhan Itoobiya, waxa uu yidhi, “Shaqada wasaaradda arrimaha Dibaddu waxay muhiimad gaar ah siinaysaa Ilaalinta Daryeelka muwaaniinta British-ka ahi ee dibadda ku nool.”

xigasho:Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here