Adduun Geddoon! – W/Q. Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

0
71

Nin baa habeen Cadaadley* ka guday, wuxu tegay goobo badan oo uu weligii ba jeclaa inuu cagta dhigo. Caado iyo Sirow oo geelu dhalay buu ku hoyday. Maryan iyo Cosob buu la cayaaray. Waa la casuumay

axmed marayaresidii caalim weyn, dad kale na waxaabay la ahaatay inay catrado u dhisaan. Sharaf, qaddarin iyo wax kasta oo Aadane jeclaysto ku na farxo baa lagu citiraafay.

Isagoo nimcadaa ku dhex sugan buu hurdadii ka kacay. Waa “Adduun geddoon!” Waa calal. Waa gelgelin madhan. Waa faran. Waa xero nacab isu ootay. Waa colaad. Waa Wajaaf. Ma carbiskii ciidammadii soomaali Galbeed baa, mise kuwii Jamhuuriyaddii Diqmuqraaddiga Soomaaliya oo uu tababbar ka ga jiray maanseeyihii Cabdillaahi Macallin Dhoodaan?

Mid ay tahayba Cabdillaahi-Dhoodaan baa tixdan ku sheegaya isaga oo laba adduunyo ku kala sugan – waa sababta aynnu adduun geddoon u nidhi! Riyadu ma ahan tan kolka la hurdo uun ee iyadoo la soo jeedo, indhuhuna furan yihiin baa wax la riyoodaa. Riyadu waa nolol mala’awaal iyo khayaal ah oo qofka gudihiisa ku jirta. Khayaalku asalkiisa ba soohdin ma lahan, xeerarka adag ee aadanahaha na waa ka korreeyaa. Waxa ay hawada sare ku kulmaan shimbiraha. Dhulkana waxa ay ismagansadaan shinnida. Mala’awaalku waa ilwaadsammida nafta. Waa kalgacalka. Waa hoodiyo ayaan. Waa nolol sidaas u wacan, misana aan dammaanad haysan oo markii la doono la inqilaabi karo sidan Dhoodaan sifaynayo!

Cabdillaahi Macallin Axmed oo “Dhoodaan” ku caano dhamay waxu ka mid ahaa dadkii ereyga soomaaliyeed xigmadda ku hawadiyey. In badan buu dadkiisa soomaaliyeed la hadlay…. la hadlay… la hadlay-tani na waa uun wax kolleyba naftiisu tebaysay. Abbaarta sugan ee tixdan ku jirtaa haddaanay wada muuqan karin, waxa aynnu daleed ka arki karaan in Dhoodaan wax ka gadoobnaayeen.  Kuyee, “Caku anigee goormaa Wajaaf laygu soo celiyey….?”

Waxu yidhi:

Waa taan Cadaadley ka guday xalay cawayskiiye

Caado iyo intaan Sirow tegaan caano geel dhamaye

Cosob iyo markaasay Maryama ila ciyaareene

Citiraafna waan helay sidii dawlad caadila ahe

Waana lay casuumaday sidii caalim soo degaye

Ragna inuu Catrado ii dhisuu iila ciil qabaye.

Cisigaa anoo heli karoo cudur la’aan seexday

Turumbadu markii ay cidee waaguna casaaday

Cirkii iyo cammuudii markaan cayn kastaba dhawray

Rag calool xun goortaan arkiyo calalo taanbuug ah

Carmis inaan ag joogaan gartiyo wali ciqaabtiiye

Caku anigee goormaa Wajaaf laygu soo celiyey….?

Cadaadley*– Hawdka shishe, Godey iyo agahiisa. Dhulkaa hawdka ah meelo badan baa magacan adaaga.

Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

Email: dheellitire@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here