“Ragga Diidan Qadarka Eebe, Miyay Qaranka Wax U Ogolaanayaan?……Waa Cadho Ururtay Oo Diidan Garashada Ummada Somaliland”
“Kii Shalay [Markuu Xukuumadda Ku Jiray] Lahaa Waxbaa La Qabtay Iyo caanno ayaad sanka ka keeni doontaa , Maanta Markuu WADDANI Tegey Ka Yeelli Mayno In uu Yidhaa Waxba Lama Qaban” – Wasiiru-dawlaha macdantu Md. Yuusuf Cismaan GAras.
Hargeysa (Hubaal)- “Innagu haddii aynu KULMIYE nahay waxaynu soo bandhignay barnaamij siyaasadeed aynu ku iib gaynayno murashaxiinta xisbigeenna, barnaamijkeennaas siyaasiga ah ee ay hormuudka innoogu yihiin Muuse iyo Cabdiraxmaan waa barnaamij aynu u aragnay in uu dalka iyo dadkaba anfacayo, laakiin nasiib darro xisbiyada mucaaridka ah ee innala tartamaya gaar ahaanna xisbiga WADDANI Illaa iyo maanta barnaamij hagaagsan oo ay ku tartamaan oo shalay [dorraad] oo u dembeysay baa la magacaabayay guddiyadii ololaha oo aad arkayseen”. Sidaas waxaa yidhi wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas oo khudbad dhiirigelin iyo mahadnaq isugu jirta ka jeediyey madal ay beellaha Ansaarta Somaliland [Madigaan] kusoo bandhigayeen cududda taageero ee ay la garab joogaan xisbiga KULMIYE iyo murashaxiintiisa. Wasiir Garas oo kasokow farriin u mahad naqday taageerayashaan oo uu ka siday Guddoomiyaha KULMIYE halkaasi ka jeediyey waxaa kale oo Mr. Garas jawaab ladifan ka bixiyey hadallo kasoo yeedhay hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan caqliga saliimka ahi garawshiiyo ka bixinayn isla markaana qadaf ku ah bulshada reer Somaliland ee xisbigaasi codka ka doonayo “Waxaa weeye maalin waxay ummada la hor taagan yihiin aflegaado iyo cay, ragga diidan qadarka Eebe ma u ogolaan karnaa inay qaranka wax u ogolaadaan?. Waxaan leeyahay waa cadho ururtay oo diidan garashada ummada Somaliland. Ninkii shalay ku faanayay waxbaanu qabannay annagoo KULMIYE ah, maanta markuu WADDANI tagay ka yeeli mayno waxba lama qaban, caqligayagana caayi maysaan caqliga dadkana caayimaysaan baan leeyahay. Shalay buu lahaa waxbaa la qabtay, shalay buu lahaa caanno ayaad sanka ka keeni doontaa , adeer kaa yeeli mayno inaad maanta tidhaahdo waxba lama qaban ee shalay markaad na dhex joogtay wixii la qabtay hadday kula udgoonayd, maanta yaannay si kale kuula urin”. Ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha macdantu Md. Yuusuf Cismaan GAras.