Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid oo kamid ahaa xubnihii Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan dartii xilalkoodii uga yaacay, ayaa ku dooday in xubnahoodii weli nool yihiin, isla-markaana leeyihiin saamayn ay ku ciyaari karaan door siyaasadeed.
Ex. Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo hore u sheegtay inuu xubnaha xilalkooda ka dareeray afhayeen u yahay, ayaa ku adkaystay isku duubni weli dhexdooda ka jirta, xillli aan in muddo ah la arkin xataa laba xubnood oo kooxdaa kamid ah oo meel wada fadhiya , isla markaana qaar kamid ahaa dhawaan uu madaxweyne Siilaanyo xilal u magacaabay.
Mudane Xuseen oo qaar kamid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa iska indho tiray guuladarradaXubnaha uu kamidka ahaa soo gaadhay, waxana uu si galgalasho leh u sheegay in cidda ay ku xisaabtamayaan aanay xubnahooda kala dhaqaaqay ahayne ay bulshada yihiin,”Isma lihi xubno kooxda kamid ah baa wax na yeeli karaya, cidda aanu tirsanaynaana waa umadda iyo cod bixiyayaasha, haddii aan xukuumadda ku jiri lahaa sidan aan u hadlayo maanta umaan hadleen ninka naga midka ahaa ee maanta xukuumadda dib ugu noqday inuu qaladka meesha ku jira tilmaami karo, waayo xukuumaddaa waxan wadda.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Ex. Wasiir Xuseen oo haatan ban-joog ka ah siyaasadda dalka, ayaa guushiisa ugu weyn ku sheegay guuldarro kasta oo soo gaadha xisbigii uu aasaasaha ka ahaa ee KULMIYE, waxanauu qiray in wada-hadalladii ay xubnaha uu kamidka yahay kula jireen xisbiga WADDANI weli cirka ku laalan yihiin, waxana uu yidhi,“annaga macaashkayagu waa inta mar walba KULMIYE ka dareerta ee hannaloo tiriyo, rag hadduu wada hadlona ama wuu heshiiyaa ama wuu heshiin waayaa, wax ka dhexeeyaana ma jiraan, ilaa imikana arrintayada waanu heshiinayna ma aha maanaaan heshiin oo waanu kala quusayna ma ahee ciddii kubadda dhinaceeda la dhigay bay la jirtaa..”